Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la wareegay amaanka qeybo ka mid ah magaalada B/weyne
September 25, 2012 - Written byHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta xaafado ka mid ah magaalada B/weyne waxayna xarun ay ka sameysteen xaafada Howlwadaag ciidamadaas ayaa ah kuwo ka tirsan dalka Jabuuti.
Ciidamada Jabuuti ee gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa shalay kala wareegay amaanka xaafado ka tirsan B/weyne ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya oo ku sugan gobalka Hiiraan.
Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo la soo xiriiray Halgan.net ayaa xaqiijiyey in ciidamada Jabuuti ay la wareegeen amaanka xaafado ka tirsan magaalada B/weyne shalay iyaga oo saaka howlgalo ka bilaabay xaafadahaas.
Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Beladweyne ayaa gaaraya ku dhaawad 470 kana mid ciidanka melatariga ee dalka Jabuuti.Ciidamada Itoobiya ayaan wili ku sugan magaalada baladweyne .
A/Cawale
Halgan.net