Faahfaahin Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo
September 25, 2012 - Written byKismaayo:-Wararka ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn cirka ah ku qaadeen maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo .
Xiriiro kala duwan oo ay Halgan.net la sameysay ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ka mid ah ducaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegay in diyaarado ay maanta laba Gantaal ku soo rideen garoonka Diyaarada ee magaalada Kismaayo balse waxay ku dhaceen hareeraha garoonka.
Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay duqeynta maanta ka dhacday Kismaayo mana jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay weerarka ay qaadeen Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa mar walba diyaaradaheeda waxay weeraro ku qaadaan deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo kuwaas oo dhaliya khasaaro soo gaara dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan waxaana u danbeysa xasuuqii ay ciidanka Kenya ka geysteen deegaanka Janaay Cabdala .
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
C/Casiis Maxamed
Halgan.net