Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray
January 8, 2013 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr.Annadif Mohamat Salah waxaana garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ku soo dhaweeyey taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM .
Wafdiga wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana uu halkaas kulan kula qaatay Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud iyo Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo wafdiga Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxay ka wada hadleen xaalada dalka uu ku sugan yahay iyo isbedalka dhanka amniga ah waxaana wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya uu balan qaaday in ay ka taageeri doonaan DFS dib u habeynta ciidanka DFS .
Markii uu soo idlaaday kulankii dhexmarey madaxada DFS iyo wafdiga wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed waxaana uu saxaafada u sheegay in wafdi ka socda DFS uu ka qeyb gali doono Shir ka furmi doona magaalada Adisababa kaas oo AU uga hadli doonto xaalada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Soomaaliya .
A/Cawale
Halgan.net