Mu’tamarkii jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa oo la soo afmeeray.[war-saxaafadeed]
January 12, 2013 - Written byWaxaa si guul ah kusoo gabagaboobay mu’tamarki waynaa ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa.Kulankan ayaa Golaha Dacwada ee Albayaan wuxuu sanadki saddexaad ku marti qaaday dalkaas 5- kamida culumada soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin culumo aad caan u ah waxayna kala ahaayeen:
1-Sh.Maxamed Cabdi Umal
2-Sh.Maxamed Idris Axmed
3-Sh.Maxamed Cusmaan Calasow
4-Sh.Cabdiraxiim Cabdillahi Abuu Caynayn
5-Sh.CusmaanCaliFaarax
Golaha albayaan ayaa ah gole balaadhan oo kashaqeeya arrimaha dacwada,waxuuna maamulaa 25-Masjid oo yar yar iyo waaweyn isugu jira, 12 Madaraso iyo lix Markaz oo waaweyn oo maamul iyo mulkigiba ay ummadda somaliyeed ee ku dhaqan K/Afrika ay leeyihiin.
Gudoomiyaha gudiga abaabulka mutamarka Sh.Maxamuud Maxamed Adar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ujeeddadii laga lahaa mu’tamarka ay kamid ahayd:
1-Wacyigalinta Guud ee Bulshada.
2-Sare U Qaadidda Wacyiga Diineed ee Bulshada.
3-Cadaynta Manhajka Saxiixa Ah.
4-Horumarinta Maraakizta Dacwada ee Dalkaas
5-Xoojinta Xidhiidhka Bulshada Ka Dhexeeya.
Kulankankankan ayaa lagu qabtay 4-goobood oo waaweyn iyadoo kadibna culumada la kala qaybiyay oo ay tageen lix magaalo oo Somali badani ku noo shahay.
Ka sokow duruusta ay culumadu u gudbiyeen bulshada waxay kulamo kala duwan layeesheen qaybaha bulshada sida ardayda waxkabarta dalka,haweenka,dhalinyarada iwm.
Sidoo kale waxay ka qaybgaleen culumadu laba xaflladood oo lagu soo bandhigay 21 arday oo dhamaysay quraanka 9 gabdhood iyo 12wiil oo culumadu ay gudoonsiiyeen abaalmarinno. Maxamuud maxamed adar ayaa sheegay in faa’idada mu’tamarka laga helay aan lasoo koobi Karin balse ay ugu muhiimsantahay:
1-Cilmigi ay soo bandhigeen culumada oo la duubay.
2-Boqolaal su’aalood oo taabanayay caqiidada,cibaadada,arrimaha qoyska,manhajka,iyo ganacsiga oo ay ka jawaabeen culumadu oo laga jaahil baxay.
3-Iibintii labadii markaz eepretoriaiyo rustenburg oo meel aad u wanaagsan gaadhay.
4-kulankii dardaaranka ahaa e dhexmaray culumada iyo ducaadda Albayaan.
Ugu danbayn Sh.Maxamuud maxamed adar ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qaybqaatay hirgalinta mutamarkan.
Xafiiska warfaafinta ee Albayaan
www.albayaan.net