Shirkadda Isgaarsiinta Ee Golis Telecom Somalia oo talaagaddaha maydka ku wareejisay Cusbataalka Boosaaso (Masawiro)
January 19, 2013 - Written byBoosaaso:-Munaasabadaas talagadda lagu wareejinaayo ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Hoggaanka Xafiiska Xiriirka Dadweynaha Shirkadda Golis Md.Faarax Xaaji Mire isagoo sheegay in shirkaddu goor walba ay u taagan tahay waxtarka bulshada .
Hogganku wuxuu hadalkiisa ku daray in talaagadan la geliyo meydka baahi weyn loo qabey maadaama Bosaaso ay tahay magaalo kulul ayna dhib tahay in meydku wakhti badan uu banaanka oolaado, sidoo kale waxa mararka qaarkood dhaca shilal loo baahdo in dadka ku dhinta la helo eheladoodii oo ay dhici karto inay wakhti ku qaadato inay soo gaaraan.
Hoggaanku wuxu ugu dambayntii ku guubaabiyey ganacsatada iyo bulsha weynta inay sii wadaan waxqabadka Cusbataalka oo baahi weyni ka jirto.
Hadalka Hogganka Xiriirka Dadweynaha ka dib, waxaa sidoo kale munaasabaaska hadlay agaasimaha guud ee Cusbataalka Bosaaso Dr.C/Laahi Siciid Aw Muuse isagoo u mahadceliyey shirkadda Golis sheegayna waxtarka wax-ku-oolka ah ay bulshada u hayso.
no images were found
Wuxuuna yiri “ aad baanu ugu baahnayn in aan talaagad maydka la galiyo uu cusbatalku yeesho, in badana waan sugaynay in arinkaas la dar dar geliyo,waxaana nasiib u yeeshay in ay mashruucaas fuliyaan shirkadda Golis”.
Agaasimuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in talaagadda maydku ay yeelan doonto sharciyo ay ka mid tahay in loo ogolyahay dadka in qofka maydka ah uu ku jiro talaagadda mudo dhan: maalinkii 6saac habeenkiina 12saac qofka ehelkiisa la sugaayo 24saac.
Wixii intaas ka badan nadaam gaara oo Cusbataalku u dejiyey ayaa lagu maamuli doonaa.
Ugu danbeeyntii waxa soo gunaanadey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Md.Siciid Xuseen Ciid oo uga mahad celiyey ganacsatada gacantii ay ka geysteen dhismaha weyn ee Cusbataalka ,tilmaamyna in baahi weyn loo qabey talagadaan isagoo xusay in meydku u baaahan yahay xanaanadii uu u baahnaa markii uu noolaa mid la mid ah.
Halgan.net
Boosaaso