Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay wakiilo ka socday wadamada deeqda bixiya
January 23, 2013 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu kulamo kula yeeshay Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde wakiilo ka socday wadamada deeqda bixiya waxaana kulanka uu socday mudo aad u dheer .
Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen labada dhinaca sidii DFS looga kaalmeyn lahaa mashaariic kala duwan waxaana saxaafada la hadlay markii uu kulanka soo idlaaday madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in muhimad gaar ah uu u lahaa kulankan maanta DFS waxaana la isla gartay ayuu yiri in la sameeyo hay’ado maamula dhaqaalada DFS inta ay ka xoogeysaneyso DFS.
Kulanka maanta ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday Wadamada deeqda bixiya kuwaas oo ka soo kala jeeda Mareykanka ingiriiska ,Turkiga, Italy iyo Norway.
Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sidoo kale sheegay in wakiilada uu la kulmay maanta ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka furtaan safaaradahooda si shacabka ay ula qeybsadaan wadciga heysta.
Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub oo ay dalka Kenya u soo dirsatay Soomaaliya waxaana la socday safiirka Soomaaliya u qaabilsan Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko..
A/Cawale
Halgan.net