Madaxweynaha DFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay dalka Itoobiya
January 26, 2013 - Written byAddis Ababa:-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaana socdaalkiisaa ku weheliyey wasiiro ka tirsan xukuumada DFS .
Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay casumaad rasmi ah ka heleen Raisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailmariam Dessalegn.
Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warfidiyeenada kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana uu sheegay in socdaalka uu ku tagayo dalka Itoobiya lagu gorfeyn doono sidii loo xoojin lahaa xiriir labada dal .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu socdaal uu ku tagi doono dalal ay ka mid yihiin France iyo Belgium;Madaxweynaha DFS ayaa ilaa intii uu qabtay talada dalka waxaa uu laba mar socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
A/Cawale
Halgan.net