Xaruntii Ururka Siyaasadeedka Midnimo ee magaalada Gaalkacyo oo boorarkii laga burburiyey
January 27, 2013 - Written byGaalkacyo :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in dhalinyaro careysan ay maanta burburiyeen boorka Xafiiska Urur Siyaasadeedka Midnimo ee magaalada Gaalkacyo oo maanta la daahfuri lahaa.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda xukuumada Puntland ayaa soo abaabulay dhalinyaro kuwaas oo fujiyey boorka hore ee xafiiska Midnimo waxaana ay ka biyo diideen in laga furo xafiiska xisbiga Midnimo iyaga oo ku eedeeyey in uu xisbigu taageero Dr.C/raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland waloow uu eedeyntaas diiday Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka ee Midnimo Dr Saadiq Eenow.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa horey looga furay laba Xisbi Siyaasadeed oo kala ah UDAD iyo Wadajir balse waxaa la aqoon wax lagu qoonsaday Ururka Midnimo oo uu gudoomiye u yahay Dr.Saadaq Eenow oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka ee Midnimo Dr Saadiq Eenow ayaa kulamo kala duwan la leh Isimada iyo waxgaradka iyo Maamulka iyo kan degmada Gobalka Mudug waxaana uu sheegay in ay Xafiis ka furan doonaan magaalada Gaalkacyo iyo Buuhoodle waxaana kale uu cadeeyey in xisbigooda uu yahay mucaarad isbadel doon ah.
M_M Deeq
Halgan.net