Gacan-ku dhiiglayaashii diley Sheekh Axmed Xaaji oo la filayo in beri maxkamadda la hor keeno
February 12, 2013 - Written byBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo ayna na soo gaarsiyeen Ehelada Sh Dr axmed Xaaji ayaa sheegaya in maalinta beri oo Arbaco ah la filayo in maxkamadda Darajada 1aad ee magaalada Boosaaso la horkeeni doono qaar ka mid ah gacan ku dhiig layaashii dilay Sheekh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan (Allaha u naxariistee).Dhagar qabayaashaan qaarkood ayaa waxaa ay horay u qirteen inay iyaga iyo koox kale oo ka tirsan amniyaadka Ururka Al-Shabaab ay fuliyeen dilkii foosha xumaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee Sh.Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan ka dib markii ciidanka Puntlland ay qabteen qaarkood.
Maamulka Puntlland ayaa dhowr mar sheegay in ay weli ku raad joogaan rag kale oo aan weli gacanta lagu dhigin kuwaas oo ka tirsanaa amniyaadka Ururka Al-Shabaab oo iyagu bixiyey amarkii iyo taladii lagu dilay Sheekh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan (Allaha u naxariistee) oo qaarkood ay ku sugan yihiin dalka dibadiisa.
Markii dilku Sheekhu dhacay ayaa howl galo ay sameeyeen ciidanka Booliska oo kaashanayay dadweynaha ayaa waxaa ay qabteen qalab fara badan oo iskugu jira 2-dii Bistooladood oo ay wateen raggii dilay Sheekha Dr Axmed , Xaaji ,walxaha qarxa, Bambooyinka gacanta laga tuuro , Documintiyo ay ku keydsadeen kooxdu kumbuyuutaro, hard disk-yo, buugaag iyo telfanada gacanta.
Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa lagu dilay ilaa 151 qof oo uu ku jiro Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan uuna ugu danbeeyey allaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse (Onkod), dilalka iyo qaraxyada ayaa inta badan waxaa lagu khaarajiyaa dadka waxgaradka ah iyo masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Puntlland.
Gudi madax banaan oo loo xilsaaray baaritaanka dilka Sh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxaa ay soo saareen warbixin ku saabsan kooxda dilka geystay Halkaan ka eeg magacyadood. Halkaan ka eeg wararkii iyo warbixinadii ka dib dilkii Sh Dr Axmed Xaaji
Hoos ka Daawo waraysi lala yeeshay Afhayeenka gudiga madaxbanaan ee dilka Sh.Dr Axmed Xaaji Maxamed Jaamac.
Hoos ka Daawo Video qiraal ay ku bixinayaan qaar ka mid ah kooxdii geystay dilkii Sh. Dr Axmed Xaaji
Xafiiska wararka Halgan.net
ee magaalada,Boosaaso