5Qof oo afduub ay u heysteen Maleeshiyaad ka tirsan Galmudug oo la sii daayey
February 23, 2013 - Written byGaalkacyo:-Waxaa maanta la sii daayey dhalinyaro ay horey u afduubeen Maleeshiyaad ka tirsan Galmudug waxaana xaflada sii deynta lagu qabtay Hotelka AMBAZI oo ku yaal Koonfurta magaalada Gaalkacyo .Xaflada lagu sii daayey dhalinyarada reer Puntland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliiin ka tirsan Maamulka Galmudug
Xaflada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxwaynaha Kuxigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed ,Isimo ,Nabadoono ka soo jeeda labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland .
Masuuliinta Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay Puntland iyo dhalinyarada kale ee ka tirsan Galmudug ee heysata in la sii daayo dhamaan maxaabiista ay heystaan labada dhinac.
Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa ugu baaqay dhamaan dadweynaha Galmudug iyo Puntland in ay ka shaqeeyaan nabada wuxuuna codsi u diray Maamulka Puntland in ay sii daayeen qof u dhashay Galamudug oo Puntland ku eedeysay in uu ka mid yahay kooxda Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah Isimada iyo waxgaradka Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ugu baaqay dad walaalaha ah ee wada dhashay in ay nabad ku wada noolaadaan waxayna ka digeen dhagarta kooxda Al-Shabaab ee raba in ay qoorta isku galiyaan labada shacab si ay danahooda gaarka uga fushadaan .
M_M Deeq
Halgan.net