Dowllada Puntland iyo DFKM oo hishiis dhinaca beeraha ah kala saxiixday

November 13, 2011 - Written by

Garoowe:-Wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha ee DFKM  iyo dowllada Puntland ayaa waxaa ay wada gaareen is afgarad iyo hishiis  dhowr qodob ah  oo ay labada dhinac  wada kala saxiixdeen, Wasiirka beeraha  iyo waraabka Puntlland  Eng. Maxamud Xaaji Saalax oo la hadlay saxaafada ayaa  u sheegay in uu jiro hishiiska ay wada gaareen labad dhinac dowllada Puntlland ay  heli doono saamigeeda iyo deeqaha ay DFKM ka hesho  beesha caalamka.

Hishiiska ay wada gaareen labad dhinac DFKM iyo dowllada Puntlland ayaa waxaa uu u qornaa sida tan:-

1- In labada wasaaradood iska kaashadaan la  xisaabtanka hayadaha deeqaha bixiya ee ka shaqeeya arrimaha beeraha kana howlgala
Soomaaliya.

2- In labada wasaaradood ay yeeshaan kulamo joogta ah si loo dardar geliyo habsami u socodka shaqooyinka wasaaradaha.

3- In wasaaradaha ay is dhaafsadaan wixi macluumaad ah oo la xiriira dhanka beeraha.

4- In labada wasaaradood ay yeeshaan wada tashi joogta ah sida  safarada shirarka caalamiga ah ee dhanka beeraha.

5- In labada wasaaradood sameeyaan wacyigelin ku saabsan dhinaca beetaha, tababarna loo fidiyo beeraleyda Soomaaliyeed meelkastooy joogaan si kor loogu qaado wax soo saarkooda.

6- In wixii deeq caam ah ee dhinaca beeraha kuna yimaada magaca TFG [DKMG] in wasaarada beeraha iyo waraabka Puntland ay ku yeelato saamigeeda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online