Kenya oo sheegtay in ay ciidamo xoojin ah u diri doonto magaalada Muqdisho

November 17, 2011 - Written by

Nairobi:-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo xoojin ah ay u diri doonto magaalada Muqdisho si ay u xoojiso ciidanka AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ka kala yimid Ugandha iyo Burundi. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Moses Watangula ayaa ku cadeeyey argtida dowlada Kenya ee ku aadan soo celinta nabadgalyada Soomaaliya mar uu ka qeyb galay saaka barnaamijka Network Africa ee ka baxa BBC-da wuxuna qeexay in dowladiisa ay diyaarisay ciidamo lagu xoojin doono ciidanka  AMISOM.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Watangula ayaa mar wax laga weydiiyey sababaha ay u galeen gudaha Soomaaliya wuxuu ku soo koobay in amniga Kenya iyo muwaadiniinteeda uu khatar galay taas oo uusan wax cadeyn ah u keenin.Ururka Al-Shabaab ee ka taliya inta badan gobalada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa in badan dib ugu  celiyey dowlada Kenya Baabuur iyo qalab badan oo laga soo dhacay wadanka Kenya .

Hadalka  Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Moses Watangula ayaa ku beegmay xili shalay ay dowlada Kenya  Ugandha iyo DFKM ay sheegeen in ay ku heshiiyeen in ay la dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online