Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh oo gaaray degmada Marka
May 7, 2014 - Written by EditorMarka :-Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxaa ay maanta gaareen degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliinta DFS ee gobalka Shabeellaha hoose iyo dadweyne badan.
Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa socdaalkiisa u weheliyey wasiirka beeraha ee DFS iyo wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga iyo saraakiil sare oo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.
Ujeedada socdaalka Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku tagay degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa lagu sheegay shir dib u heshiis oo loo furayo beelaha wada dega degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.
Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa sidoo kale uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa saraakiisha ciidanka DFS iyo cuqaasha iyo waxgaradka beelaha dega gobolka Shabeellaha hoose .
A/Cawale
Halgan.net