Raisul wasaaraha DFS oo gaaray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose

May 8, 2014 - Written by Editor

IMG_0624Muqdisho:-Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa uu gaaray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka Degmada Qoryooley iyo saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.

Socdaalka Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Shabeellaha hoose, Cumar Maxamuud Cilmi.Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu u kuurgalyo xaalada amaanka ee Degmada Qoryooley waxaana uu kulan la qaadan doonaa waxgaradka iyo odayaasha shaqanka ee Degmada Qoryooley.

Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa khudbad kooban uu ka jeediyey shacabka ku soo dhaweeyey degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose waxaana uu sheegay in xukuumadiisa ay dhawaan la wareegi doonto Degmooyinka Baraawe, Jilib, Jamaame, Diinsoor & Baardheere oo ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Raisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin dhibaatada ay Ururka Al-Shabaab ku hayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan wuxuuna ku celiyey in xukuumadiisa oo kaashaneysa ciidanka AMISOM ay gaari doonaan gobalada ay dalka ka joogaan Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online