فكرالخوارج وصفاتهم واثرهم في الطوائف المعاصرةMuxaadaradii 1aad ilaa 4aad ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal (Dhageyso)

July 9, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa caawa galay muxaadaradii 4aad ee u danbaysay muxaadaradaad xiriir ah oo uu sheekhu kaga hadlayey tilmaamaha lagu garan karo kooxda Khawaarijta iyo tilmaamaha ay caanka ku yihiin iyo sida ay u saameeyeen kooxaha cusub( فكرالخوارج وصفاتهم واثرهم في الطوائف المعاصرة) Sheekh Maxamed Cabdu Umal ayaa waxaa uu fasiraad ka bixiyey xadiiskii Rasuulkeena Muxamed Naxariisi karkiisa ha ahaatee uu ku sifeeyey kooxda kawaarijta oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dhalin yaro ah oo aragti gaaban oo aan meel fog wax ka eegin diintana uga baxaya sidda leeb la ganay oo kale . Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa xusay in ayaantaan ay soo baxeen kooxo Masaalixda iyo Mafaasida ku tilmaamaya daaguuto casri oo  wax ay ugu yeeraan Murji,adu ay gabaad ka dhigtaan arrinkaas oo ah garab marid iyo habow fahamkii usuushii diinta islaamka.

1- I n dadka ka aragti duwan  ay ku tuuraan gaalnimo ka dibna ay  si sahlan u banaystaan dhiigooda.

2-  I n  xukunka  ay iska tuuraan oo xitaa kooxdaas iyaga dhexdooda ay dhiigooda ay u banaystaan haddii ay is qabtaan oo xukun gaalimo ku xukunka dadka muslimiinta ay u tahay mid sahlan.

3- In ay iyagu isku arkaan kuwo tuusan oo xaqa ku taagan dadka ka aragti duwana ay  ku tuuraan tuhmo iyo xukun ku tuurid  gaalnimo ah.

4- Waa kuwa ku adag muslimiinta nusuusta ku soo aroortay gooddiga ay xoogga saaraan, kana tagaan nusuusta ku soo aroortay yabooha iyo Naxariista Illaahay.

5- Inay Nusuusta dul saaraan dadka ay maaggan yihiin ee khilaafsan ra’yigooda, iyadoo ayan is laheyn nusuusta ay daliishanayaan iyo cidda ay u daliishnayaan.

5- In ayan aqoon u laheyn Sunada, Qur’aanka kaliyana ay fahankooda ku dul fariisiyaan.

6- Inay culimada baadi ku xukmiyaan, gaaleysiiyaan, waxmagaratadana ku diraan.

7- Inay isla weyn yihiin, naftoodana ay ku kadsoon yihiin.

8- Inay ka buuxaan dadka Jaahiliinta ah, ka dib marka ay ka cararaan Culimada.

Tilmaamahaas, ayaa ka mid ahaa kuwii uu Sheekhu ku sheegay Khawaarijta, isagoona carrabka ku adkeeyey in tilmaamahaas laga helayo kooxaha maanta jooga, isagoo xusay ururka Al-qaacid iyo kooxaha si rasmi ah ugu biiray ururka Al-shabaab iyo Suufiyada hubaysan ee la baxay Ahlusunaha Waljamaac., jamaaca Takfiir uu madax u yahay Maxamuud Nuur iyo Sheekh Xasaan iyo Xertiisa Daarulxadiis ee Nairobi

Sheekh Maxmed Cabdi Umal ayaa sheegay in uusan isagu arag in ururka Al-shabaab ay yihiin khawaarij ka dibna la saaro xukunkii ahaa in meel walba lagu laayo ayna yihiin eeyaha naarta isagoo dadkii dhagaysanayey ku yiri dad baa doonaya baan filayaa in saas la yiraahdo si ay lacagta la dul dhigay ay u raadsadaan arrinkaas oo uu sheekhu ka digay arrinkiisana uu sheegay in ay tahay naseexo.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii 4aad ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal  فكرالخوارج وصفاتهم واثرهم في الطوائف المعاصرة

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Ama Halkan MP3

Muxaadaraadkii 1aad ilaa 3aad Halkan Ka Dhageyso

Halgan.net, Nairobi

42 comments on “فكرالخوارج وصفاتهم واثرهم في الطوائف المعاصرةMuxaadaradii 1aad ilaa 4aad ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal (Dhageyso)

  1. axmed on said:

    asc horta waxaa mahad leh alaah mahad oo idil waxaa kaloo mahad leh sh mohamed cabdi umal caalimka soomaliyeed ee ale baray diintissa sharaftleh ogaada dadow inuu hayo shaqa ta ugu muhiimsan ooah shaqadii nabiyada ilaahy soo diray nasiib badana rer nairoobi waayo waxy u heleen nasiib shiikheena sh mahamed cabdi umal waxan leyahay ka faaiidyst calimka soomaliyed ee intaas ku leekaaday diinta islaamka culumadan halaga daayo cayda iyo aflagadada meshaad istaagto culuma ayaalagu caayyaa culumada soomaaliyeed dadka hadii aysan haysan culumo maxaaad u daynaysaan kuwa cuna qaadka ee jaahiliintah alle ha xifdiyoshiikheena mohmed cabdi umal cilmigiisana alle ha inagu anfaco intadaa dabadeed waxaleh mahad iyana walalahsa jecel khayrka ka shaqeeyaa fidinta diinta alle

    • saciid xasan on said:

      Reply

      Your comment is awaiting moderation.

      a/c. ugu horayn waxaan ognahay naxariista iyo is xushmaynta, hadalba hadalka uu ka wanaagsan yahay oo la doorto, sida diinta islaamku ugu tirtirsiisay dadka, waxaa la mida dhiigga ruuxa muslimka ah sida loo adkeeyey, waxaan uga golleeyahay, fidrada toosaniyo aqliga saliimka ah, ayaan kukala garan karnaa shiiqa diinta alla ka cabsiga taxadarku ku jiro aakhirana rajada ka leh midka siduu doono u hadla oo aad mooddo sidii kholooyinka aakhiro mood iyo naarka bood lugu magacaabi jiray,
      shiiq xasaan waa shiiqaygii waxaanan ka mid ahay ardayda aad iyo aad u danaysa muxaadaraadkiisa iyo kutubtiisa, wax badanna waan ka dhagaystay, taasina ima dhaxal siin inaan u tacasubo, xaqquna uu mar walba asaga la jiro, fidnada uu bari kayahay.
      shiiq umal sidoo kale waa shiiqaygii, kutub iyo muxaadarooyin badan ayaa allah iiga anfacay, qofna macsuum ma ahan.
      balse shiiq xasaan waayahay danbe waxaan filayaa dhamaan in la dareemi karo inuu xawaaare sare ku ordayo. hadallada aan jawaab u waayey qofna bilaash luguma eedeeyo,tacasubna meel ku gayn mayo, waxaa ka mida gaalaysiinta dhiigga muslimiinta xadka sida gacan gooyada iyo wixii la mida kasokoow, hadallo iska hor yimid iyo tanaaqud badan, waxaa ka mida hadalladaas, jamaacatul ictisaam agtiisa waa ka gaalo, wuxuu qabaa in aduunka la dhaafiyo, haddana markii hadalladiisii la adeegsaday oo raggii birta lasaaray waxaad dhammaan maqasheen inuu tacsiyeeyey, arintiina fidno ku sheegay, oo uu walaba dilkii Sh Dr axmed uu allaah ka baryey fidnadaas inuu umadda ka qaboojiyo.
      waxaa is waydiin mudan hadii wuxu diin ka yihiin shiiqa muxuu ugu tirtirsiin waayey raggii shiiqa dilay oo uu sida kale uga hadlay.
      ugu danbayn aan dhamaan tacasubka iyo xaqa ragga laga hormarinayo iska dhaafno oo aan diinta iyo aqliga kaashanno, cid ka aamina fidno ma jirto shiiq iyo caammi ee haddii shiiqu fidno ku noco halloo nasteexeeyo ee yaanan laga sii waalin. bal isku dhagaysta sh umal muxaadaraadkiisa daganaanta iyo taxadarka ka muuqda, waxaad ka dareemi kartaa inuu nin aakhiro rajo kaleh yahay, hadal adayga raxariista darradda gaalnimo tuuridda sahlan oo shiiq xasaanna eega. aniga iima kala sokeeyaaan, ayagaa iska kay xiga balse waxaan leeyahay wax hallaysku miisaamo safar aakhiro ayaa lugu wada jiraa shiiq habel ayaan ku raacay masal aladaan kaasaari mayso. aan isi saxno intaan sidii nacnacii laysku duuduubin ee aan qabri laysku laalaadin, wallee shiiq qabri kula galaya ma jiro, ee shiiq xasaan su aalo badan iska waydii daliil halla waydiiyo.

  2. abu mubarak on said:

    ac walalaha maamulka halgan waxaan kacodsanlahaa inay codka sameeyaan wuu iidaarmi la,ayahay inay ciladu dhankayga tahay iyo inkale magarankaro bal fiiriya idina

  3. ABDULRAHMAN on said:

    SCW, WALAALAYAAL WAXBA LAGAMA MAQLAYO RADIYOGA EE FADLAN NOO HAGAJIYA .
    JAZAKUMULAH FII KULIQEYR

  4. abucabdulahi on said:

    Cod ma leh walaalayaal. Maanta oo dhan baan kusoo noqnoqanayey waxaan ogaaday ciladu inaysan kaligay ahayn.

  5. Mohamed on said:

    Ku Halgan.net Fadlan soo geliya muxaadarada mp3 sida kuwii hore oo kale ,codkana hagaajiya . jazaakallaahu khayran.

  6. omar on said:

    SCW WALALAYAAN ILAHAY HA IDINKA JAZAA,ISIIYO SHEEKHANA MIISANKIISA XASANADKA ALAH UGU BADIYO LAKIN QAYBTAN LABAD LAM DHGAYSAN KARAYO RADIYAHANA WAXBA LAGAMA MAQLAYO ILAAHAY MIISANKIINA XASANADKA HAIIDNKU DAREE NOO HAGAJIYA

  7. abu mubarak on said:

    WALALAHA MAAMULKA HALGAN FADLAN WALALAYAAL MUXADARADAANI COD MALAHAN TAN IYO SHALA KHAYRBADAN ALAHA IDINSIIYEE NOOSOO GASHA AADBAANU UGU OOMANAHEE WAJAAZAAKUMULAHAU KAHYRAA

  8. ahmed ah ed on said:

    asc fadlan muxadarad qeybtiilabada masoobaxayso ee hagajiya mp3 na soo gelya mahadsanidin

  9. Adoontii Allah on said:

    Asc Wr Wb Awalan Mahad Oo Idil Alle Swc Ayay Isugnatay Kadib Wepsetka Halgan.net ALLE Ha idin Jazeyo Khayrka Aad Noowadaan Insha Allah Sheikhena Umalna Alle Hanoo Xafido Iyo Dhamaan Culumadena Aamiin ya Allah

  10. Adoontii Allah on said:

    Walalaha Codka An Maqal Alle Hanii hagajiyo radiyda waxa ka gashaan internet Explor Kaas Fasiix Ayaad Umaqli Doontaan Insha Allah

  11. wanaag jecceyl on said:

    Asc JAZAKUMULLAH walaalaha hlagan sheekhane miisaankisa xasanaadka ALLAHA usaaro amaan afku wuu kadaalayaa sh ALLAHA noo xifdiyo

  12. ibraahiim on said:

    Allah ayaa mahad iska leh shiikhyna caalimka ah na wuu mahadsanyahay dhamaan umada khyrka jecelna haku waana qaataano dersigaas oo uu sheeykhu ku cadeeyay xarakaatka ka jira caalamka iyo gaar ahaan ku u janjrrra khawaarijta fikirkeeda marka walaalayaal maanta wixii ka danbeeya yaan lagu kadsoomin
    wabilaahi towfiiq

  13. Musim Girl on said:

    Illaahoow caalimkeena noo xifdi

  14. abu mubarak on said:

    to halgan walalayaal codka mamaqalo ee nosso gasha

  15. khadar on said:

    asc salaan kadib walaalayaal ilaahey hana wada badbaadiyo sheekhane hanoo dhowro marka runti waxaan kamid ahaay dadka dadka la xamaaseysan afkaaraha qaar waliba isku taaga culimada sida shekhena umal o kale marka ilaahey hana wada cafiyo culimada hanaso wada cafiyaan walle waxbaa ka dhacay alxamdulilaah ilaaheyba goob joog iga dhigay

  16. Bahjudiin July 8 at 10:30am on said:

    Asc Ikhwaanii Marka hore waxaa mahad dhamaanteed iskaleh Allaah marka labad waxaan umaha celinayaa Walaalaha Halgan.net iyo kuwa wanaaga jecel walaalayaa xaqu waligii wuu cadaa wuuna cadyahay wuna cadaan doona Insha alaah Sheekheena Umal iyo Culimo kaloo badan Jihaadka ay ugu jiraan in umadaan diinteeda u badbaado Run ahantii Jihaad ka wayn ma garanayo waxay dagaal kula jiraan o diinta ku soo duulay Gaalo oo waligoodba dagaalkoodu iska cadaa iyo Caamo fikir ama xad gudub dhinaca diinta ku dhacay oo moodo inayba ayagu hada kamudan yihiin in umada looga digo Walaalayaal Garab istaaga CULIMADA Si loo wada bad baado idinkoo Allaah tala saaranaya Asc.

  17. cabdulaahi on said:

    asc
    kadib walalayaal halgan aad ayaad umahadsantihin ilahy khayr ha idin siiyo maxaa dhacay oo muxadaradii labaad iyo tii sadexaad usoo galin waydeen? walaalayaal soo galiya insha alah

  18. cabdulaahi on said:

    waaan helay walalyaal muxadaradii 2aad iyo tii sadexadba jazakumulaahu kharaaa

  19. muna on said:

    sh umal run badan maasha alaah

  20. Adoontii Allah on said:

    ASC WR WB Mahadoo Dhan Alle Ayay U Sugnaatay Bacda Allah Walalaha Halgan Waa Mahadsantihii ABaalkeena Jannah Alle Haka dhigo Sheikena Umal Alle hanoo xafido iyo Culumada Dhamaan Khwaarij Xogtooda Wuu Na Siiyay Alle Hnaga Qabto Khawaarij Oo Dhan Aamiin Ya ALLAH

  21. mahamed deeq on said:

    asc waan salaamay mus limiinta oo idil waxaan kaaa codsana sheeq umaloow inaad ka hadasho kuwaan dowlada sheeganaa waxeey yahiin
    wax badan waan fahanaye kuwaas ayaan ayaan aad ugu wereer sanahayee?

  22. mohamed abdullahi elmi on said:

    asc waan salaamayaa dhamaan muslimiinta meel kasta oy joogaan sln kadib waxaan leeyahay culumada allaha xafidee waliba kuwa ducaada ah waxaa la’ iloobay qowlkii rasuulka scw oo ahaa مثل المو منين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسدإذااشتكي منه عضوتداعي له سائرالجسدبالسهروالحمي marka waxaan leeyahay umada islaamka ah waxay u dhaxaysaa mid mu’ayid ah mid munkir ah mid leh arinkan waa bidco iyo mid leh arinkan waa sunno marka lagdankan ka dhexeeya culumada dartiis qaar ka mid ah ama inbadan oo ka mid ah bulshada islaamka ah waxay iloobeen xadiiska aan kor ku soo sheegay marka culumada waxaan leeyahay qatartaas ha’arkaan oo haka hadlaan wsc ww.

  23. GACAL on said:

    ASSALAAMU CALAYKUM WR. WB.

    SHEEKH UMAL WUU WANAAJIYAY IN KASTA OO XAQAA’IQDAN LAGA RABAY IN UU WAA HORE SOO BANDHIGO HADDANA IT’S NEVER TOO LATE.

    WAXAAN SHEEKHA KA CODSANAYAA ANIGOO KU ADKEENAAYA IN UUSAN KALA JOOJIN KA DIGIDDA MANHAJKAN HADDAAMKA AH, AAMUSKIISII DHEERAANA UU KU KABO ISTIMRAARIYO WIXII HADDA KA DAMBEEYA IYO IN UU KA GUDBO XOOGAAGA DIB ISU HEYNTA AH, MAXAA YEELAY DADKA XASSAAN IYO DADKA LA FIKIRKA AH KU SAAMOOBA WAA DAD CAAMMO U BADAN O U BAAHAN AMA IN WAX BADAN HAL HADAL LOOGU SOO CELCELIYO AMA FAR WAAWEYN WAX LOOGU QORO. HADABA SI AYSAN UGA HABAABIN YOOLKA IYO DULUCDA HADALKA WAXAAN SHEEKHA KA CODSANEYNAA IN UU AAD WAX U TAWDIIXIYO, HADDII KALE WAXA UU XEERINAYO QOLO AANAN XEERINEYN BAA SI XUN U FASIREYSA.

    HALGAN IYO SHAQAALEHEEDABA AAD BAAD UGU MAHADSAN TIHIIN CAMALKAN WEYN EE AAD UMMADDA U HEYSAAN EE ILAAHAY HA IDINKA AJAR SIIYO, HANA CAAJISINA EE HALKIINNAA KU HAYA HADDAAD KA BADISAANNA RAG JIRA AYAAD TIHIIN.

  24. XAQDOON, XUMAAN KACARAR on said:

    ACWW. XAQQU WAA CAD YAHAY! JAZAAKALLAAH WAXAFIDAKALLAAH MIN KULLI SARRIN WASHARIIRIN”إن أفضل الجهاد كلمة حق عند سلطان جائر” HADAA MIN AFDALIL JIHAAD, ALLE HANAGU ANFACO SHIIKHANA MIISAANKA XASANAADKIISA HAKU XOOJIYO “قل الحق ولو كان مر”, CULIMADA SOOMAALIYEED SIDAAS XAQQA HA U CADEEYEEN JAHLIGA IYO INXIRAAFKANA MEEL HALOOGA SOO WADA JEESTO, ALLAAH HAYDIN XIFDIYEE…

  25. maxamed on said:

    asc walaalaha halgan waa muxaadaro qayim ah

  26. UMU SUMAYA on said:

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
    sheekh umul Ilaahy ha xifdiyo isaga iyo culumada kle ee ehlusunaha, Rabi cilmigiisa iyo caqligiisa habarakeeyo. Qolyaha lunsan ee xasaan xuseen ugu horeeyana ilaahay hasoo hasoo hanuuniyo, hadii hanuun ilaahay la,damcinna sharkooda rabbi umada hakaqabto.

  27. Jaberti ! on said:

    ASC. allaha ha xafido sheekh maxamed cabdi umal iyo sida uu nogu tilmamay raga fitanka ku wado islamka gar ahaan soomaalida marka allaha naga qabto cidwalba oo fitan nagu wado aamiin aamiin .

  28. mohamed egal on said:

    asc waxaan salaamayaa maamulka halgan waxaan idiinka mahad celinayaa sida qiimaha badan oo aad diinta noo soorgaarsiinyasaa anaga oo guryahagayaga fadhino aan dhageesanayno waxaan Alle uga bar yayaa in sheikheena uu xifdiyo ajar iyo xasanaad fiican naga siiyo Alle hanagu canfaco dhamaatayo Alle hanoo xifdiyo sheekheena

  29. Abdulrahman on said:

    Aad ayaa u mahadsan tihiin Halgan.net ..Allaah xafido Dhamaan Culumada Somaliyed Meel kasto ey Joogan ..Miizaanka Xasanaadka Allaah u saaro Shiekh Mahamed Abdi Umal Muxaadaradii Qimaha badneed uu soo Jeediyay . Annaga kuwii Ey anfacd allaah naga digo ..Inta uu ka digayne Allaah soo hadaayeeyo ..Dhaman Annagane allaah na hadaayeeyo …Allaahuma Aaaaaaaaameen

  30. maxamuud axmed on said:

    war dadka culimada caayayoow ilaahiin ka cabsada aakhirana ilaahay ka baqa ilaahay waa caalimu qaayb shiikh umal maashaa alaah maanta waa culimada soomaalida kuwa ugu cilmiga badan ilaahay halaga baqo oo yaan culimada la caayin ninkii arinkaa ku kaca ilaahay waa kula xisaabtamayaa aakhiro adaa yaqaan waxaad ku jawaabi lahaayd

  31. BaasheMohamed on said:

    Maamulka hagan net Waad mahadsantihin,waana inaad qaadataan talada sheekh umul ,joojisan bataatan casharada,sheekh xasaan inta khawaarijnimada ka dhadhamayso, wabillaahi towfiiq

  32. maxamed khadar on said:

    Asc maa mulka halgan waxa ka codsanaya muxadar 4 in ey soo galiyaan ayadoo mp3 ah fadkan and fadlan

  33. ahmed barre on said:

    maasha allaah jazaakumullaahu qeyru jazaa fadiilatu sh/ umul xafidahumullaah illaah hakubarakeeyo waxaad noosheegte wadada toosan

  34. saciid xasan on said:

    waxaan filayaa haddaan hadalkayga soo koobo inay nooga filantahay jamaacada sh xasan inaanay sheegan karin muujisana karin waxay aamin san yihiin, waxaan dadka loo sheegi karin oo aad nacayso in dadku kugu arkaan waa danbi, bal dhagaysta mar iyo laba hadalkii uu ka yiri Sh Dr axmed hadduu u mahad celin lahaa raggii dilay waxaan is dhihi lahayn waaa diin iyo damda`, balse mxuu ku jawaabay. allaha naga qaboojiyo fidnadaas soo socota shiiqana jannadii fardowso allaha geeyo at the same time wuxuu yiri waxan qabaa in aduunka la dhaafiyo, intaas ka dib waxaan filayaa shiiqa ninkii diin u daba fadhiya asagay dhibaysaaa.

  35. saciid xasan on said:

    sh umal jazaakallahu khayran allaha nookaa daayo ilaa muddo, muxaadaradiisa cusub ee youtubeka uu soo galiyey ee mowdka ka hadlaysa ha la dhagaysto.

  36. M yare on said:

    Asc wrwb Allah Miizaanka Xasanaadka ha u saro Sh.M C Umal allah swt waxaan waydiisanaynaa inuu culidama isku soo duwe qalbigooda aamiin

  37. m aamirq on said:

    soomaaliyay yaynaan been iska dhaadhicin waxaan ujeedaa da yarta soomaaliyeed iyo wax garadkooda oo idil
    walaahi anigu taariikhda somaliya iyo mida islaamka inbadan oo kamida waan akhriyay hadana waxaa iisoo baxday markii aan kudabaqay xaalka maanta soomaaliya ay kusugantahay arimahan:
    1: dalkii oo gaalo gacanta ugu jirto
    2: mujaahidiintii oo iyagana mararka qaar khaldamaya
    3: culimadii soomaaliyeed oo khalad khalad kusaxaya ……. waxaa laga yaabaa inaad kalmadaas qalad iiga fahamtaan waxaanse ujeedaa haday mujaahidiintu khaldamaan loo naseexayn mayo loo lana hadli maayo sidii inay dad wanaagsan oo khayr wada khaladna kadhico karo oo bashara ay yihiin ……. ee waxaa loola hadlayaa sidii inay yihiin dad khawaarij ah oo diintii ale kucayaaraya taasoo sii suuro galinaysa in dalkii gaaloba haysato……… ficlan waa wixii kudhacay sayid maxamed cabdile xasan alaha unaxariistee…….. haday wadaadadu iyo shabaabkaba aysan fiirin qaabka saxdaa ee maslaxada dalka iyo diinta intaba ugu jirto dhab ahaantii eeda labadoodaba way yeelan siiba culimada ayaan qabaa anigu……….marka ilaahay waxaan kabar yayaa culimada iyo shabaabkaba inuu wada baro qaabka naseexada loosoo gudbiyo
    4: iyo culimadii soo maaliyeed oo nin dhaliyaro ah oo mujaahida iyo nin qaa id ah ama hogaan haya iyo nin da yar intaba isku si ula wada hadlaya dhamaan dadkiiba lawada simay isku sina loogu wada jawaabayo

  38. c/laahi yusuf on said:

    asc walalayaal waxaan ugu horeyn aan ku mahadinayaa ilaahii nafahansiiyey in aan adoomo unahay rabil caalamiin waxaan kaloo u mahadinayaa culimada soo maaliyeed ee ilaahay baray fahamka diinta islaamka markaa kadib waxaan ku darsanayaa inigoo kamid ah caamada soomaali rabta in wadada rabi lagu raali galin karo in aan helno 3 waxyaalood ayaa naga hortaagan
    waxa ay kala yihiin 1-caamo rabta waxa niyadeeda ku jira in ay culimada
    ka dhaadhiciso si loogu fududeyo danaheeda gaarka ah ama qabaligaba ama ku xumeyn qof kale 3- iyo culimo diin ilaahay baray quraanka iyo axaadiithta sida ay rabaan u rog roga ka dhiga lajiifiyaana banaan lajoojiyaana banaan asiga oo uu markaas jameecada hareerahiisa fadhiya ay u nacam leeynayaan markaasna aanan faham weyn ka aqoonin xukunada markaas shiikha oo uu iftoonayo ama mowduuca diiniga ah uu markaas ka hadlaayo 3–iyo soomaalida oo dhna sal fudeed ku jiro ay ogeeyn in ay gaalo noo gacan giliyaan sida aan wada nahay oo dhan fudeedkeen oo samirkaba uu inagu yar yahay. raali gelin qof walba oo u fahmo in ay falaarta dul taagan tahay raali ha iga ahaado waa walaalkiina maskiinka ah xumaan cidaan u qabo malahan waa iga aragti

  39. Dalmar1985 on said:

    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    بارك الله فيك يا شيخ

    Ilaahey ummadda Soomaaliyeed ha ku maneysto sheekhan oo kale.
    Sheekh Umal ilaahey wuxuu siiyey xikmad iyo aqoon, waxaana ilaahey ka baryeynaa inuu Soomaalida xaqa tusiyo oo Culimada ay u dhega noglaadaan.

    Sifooyinka uu Sheekha Khawaarijta ku tilmaamey Soomaalida badinkood wey ogyihiin kuwa tilmaantaas oo kale leh maanta oo geedna noogama soo gaban karaan. Ilaahey waxaan ka baryayaa inuu soo hanuuniyo kuwa sifooyinkaas la soo tilmaamey oo kale leh.

  40. suhayb on said:

    scw DHAMAAN WAXAN SALAMAYAA UMADA ISLAMAKA BACADA SALAAN ILAHAY WAXAN KA BARYAYAA INUU UMADA ISLAKA AH QULUBTOODA ISU SOO JEEDIYO .
    WAXAN DHAMAAN ARADAYDA DIINTA BARATA AAN UGA DIGAYAA TACASUBKA IYO INAY CULIMADA DABKA U KALA QAADAN ,

  41. suhayb on said:

    DAD KA SIFOOYINKA SHIIKHU INOO SHAYGAY LEH EE KHULAFADII AYA KA AMAAN WAAYEEN ILAMA AHA INAY KA AMAAN HELAYAN CULUMA MARKAA HALAGA TAXADARO SCW

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.

Loolanka Madaxtinimada iyo Hantida Soomaaliya Sheekh Bashiir Ahmed Salaad.

Isniin

Wararkii ugu dambeeyey - Updated: 12:00GMT

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Wararkii ugu dambeeyey - Updated: 12:00GMT

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Wararkii ugu dambeeyey - Updated: 12:00GMT

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Wararkii ugu dambeeyey - Updated: 12:00GMT

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Talada

Arbaca

Khamiis

Jimce

Sabti

Axad

Archives
July 2012
M T W T F S S
« Jun   Aug »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
For Immediate Release:Ambush in Haluqa.    June 27, 2012
Somali Links
Fatwa Online