Warsame Yuusuf Axmed oo lagu khaarajin lahaa qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

July 22, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay maanta agagaarka guriga Warsame Yuusuf Axmed oo la dhashay Madaxweynihii hore ee DFKM C/laahi Yuusuf Ahmed miinada ayaa waxa lagu aasay meel aan ka fogeyn guriga uu deganaa Warsame Yuusuf Axmed .

Warsame Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku dhaawacmay qaraxa waxaana la geeyey Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo waana markii labaad oo ka badbaadayo isku day dil waxaana uu ka badbaaday sidoo kale dhamaadkii sanadkii 2010kii .

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa ay ka nasatay dilal qorsheysan oo lagu laayey madax ka tirsan gobalka Mudug ,saraakiil iyo Isimo ,Nabadoono iyo Ganacsato ,

Maamulka gobalka Mudug iyo dowlada Puntland ayaan ilaa haatan cid u soo qaban dilalka ka dhaca deegaanada Puntland kuwaas oo salka ku haya aanooyin qabiil iyo ay ka danbeeyaan siyaasad.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online