Dufcadii 7aad ee ka qalin jebisa Machadu Dacwa ee magaalada Hargeysa.[Daawomasawirada]

September 24, 2012 - Written by

Waxaa magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Kaah lagu qabtay Xaflada si wanaagsan loo soo agaasimay oo loo qabtay  arday ka qalin jabisay Machadu Dacwa oo iyagu noqonaya Dufcadii 7aad oo ka qalinjabisa Machadu Dacwa, Xafladaan heerka sare ah ayaa waxaa ardayda loo qabtay 21.09.2012.

Xafladaan qalinjabinta ah ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka S/lland iyo culimo ku nool magaalada Hargeysa
iyo culimo kale oo ka yimid Gobollada kale ee Soomaaliya oo iyagu lagu casumay Xafdlada, culimada ka soo qayb gashay oo fara badnaa ayaan waxaan ka xusi karnaa Sh,Moxamed Sh,Cumar Dirir ,Sh Axmed Cabdisamad oo ah Gudoomiya Dalada Macaahida Sharciga ah iyo culimo kale.

no images were found

Dhinac dowllada S/lland ayaa waxaa ka soo qayb galay  Sh,Khaliil C/laahi oo ah Wasiirka Diin ta iyo Awqaafta Somalilland oo isagu ardaydii galay kaalimaha koowaad gudoonsiiyey Shahaadooyin, Ardayda ka qalinjibinaysay Machadka Dacwa ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysaa ilaa 123 oo  iskugu jira hablo iyo inamoba waxaan u rajeeyeen guul iyo inay halkaa ka sii wadaan waxbarashadooda umadana ay u shaqeeyaan una gurmadaan dadka ku dhaqan baadiyaha oo u ooman Dacwad iyo in la baro diinta Islaamka.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Masha Allaah aad ayaan ugu qalbi qaboowsanay allaah ha barkeeyo hana xufdiyo dhamaan intii wax ka bartay iyo intii asaastay wax la bato waxaa ugu qiimi badan diinteena islaam ee sharfta badan.

Leave a comment

*