Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof.Jawaari oo ka hadlay qaabka ay u dhici doonto doorashada Madaxweynaha

September 7, 2012 - Written by

Muqdisho:-Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo la hadlay saxaafada magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay ku howlan yihiin in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya siddii ay ugu dhici lahay si cadaalad ah. Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka ay u taal howlo fara badan marka la doorto madax weynaha ,isagoo ku booriyey xilibaanada Golaha Baarlamaanka DFS in ay u diyaar garoobaan masuuliyaada ay u dhaarteen.

Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha iyadoo maanta ay ilaa 10 musharax ay Golaha baarlamaanka ay ka horjeedin doonaa khudbooyinkooda ku saabsan tartankooda ku aadan xilka Madaxweynaha. Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay wakiilo ka socda Qaramada Midoobay oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo kala hadlay guddoonka baarlamaanka siddii ay doorashada madaxweynaha ay ugu dhici lahayd si hufan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online