Madaxweynaha JFS oo shirjaraa,id ku qabtay xalay xarunta Villa Soomaaliya(Dhageyso)

September 13, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweyweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay shirjaraa,id ku qabtay xarunta Villa Soomaaliya waxaana uu ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo shalay lagu weeraray Hotel Al-Jazeera oo uu deganaa Madaxweynaha DFS.

Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen askartii ka tirsaneyd DFS ee ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Muqdisho wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in weerarka shalay uusan ka leexin doonin dowladnimada iyo howsha uu u balan qaaday umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ugu horeyn waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uga tacsiyadeeyo wiilashii ayagoo waajibaadkooda gudanaya ku nafwaayey falkii fuleynimo ee ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab ,shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay meel walba oo ay joogaan waxaas maanta dhacay iyo wax walba oo ka weyn oo dhaca  marnaba naga leexin maayaan ujeedadeena ”

Madaxweynaha DFS ayaa  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kalsooni ku qabaan ciidamada dowlada federaalka ee Soomaaliya iyo dowladooda isaga sheegay in aan marna dib looga noqoneyn dowladnimada iyo wanaaga .

Hoos ka Dhageyso Shirkii Jaraa,id uu xalay ku qabtay Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud

[audio:https://halgan.net/Mp3/Dr.Xasan.mp3]

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online