Nabadoon Cismaan Cadaawe oo lagu afduubay magaalada Muqdisho

September 5, 2012 - Written by

Muqdisho:Waxaa xalay lagu afduubay magaalada Muqdisho mid ka mid ahaa Nabadoonadii wax ka soo xulay xilibaanada DFS ee beesha caalamka ay taageerto, Nabadoonka ayaa xalay waxaa gurigiisa kala baxay niman hubaysan oo afka soo duubtay xili uu joogay gurigiisa. Nabadoon Cismaan Cadaawe ayaa waxaa uu ka deganaa magaalada Muqdisho Xaafada Shiirkole waxaan wararka soo baxaya ay sheegayaan in kooxda afduubtay Nabadoonka ay la aadeen xaafada Dayniile iyagoo codsaday lacag walow warar kale duwan ay ka soo baxayaan Afduubka Nabadoon Cismaan.

Qoyska Nabadoonka Cismaan ayaa sheegay in ay aqoonsadeen kooxda afduubka geystay iyagoo sheegay in arrimo siyaasad aysan ka marnayn afduubka Nabadoonka Cismaan Cadaawe, Odayaasha dhaqanka ee wax ka soo xulay xubnaha Baarlamaanka DFS ayaa waxaa ay xorguf ka dhex taagan tahay xilibaano hore oo iyagu ahaa dagaal oogayaal oo iyaga aan lagu darin liiska iyo kuwo iyago isla rabay in ay xilibaan noqdaan lacag badan ay uga baxda balse aan helin booskaas.

Ilaa hadda ma cad sababta rasmiga ah ee ka danbaysa afduubta ay kooxdaan hubaysan ay kula kaceen Nabadoonka Cismaan Cadaawe balse waxaa socda dadaalo ay wadaan waxgaradka beesha uu ka soo jeedo Nabadoonka si ay uga soo daayaan kooxda afduub ka ku haysta Nabadoonka Cismaan Cadaawe oo aan weli shaacin u jeedada afduubkooda.

A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online