Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay madaxweynah Jubbaland

August 22, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:- Axmed Maxamed Islaam Axmed ayaa  mar kale dib loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubaland, oo maanta doorashadiisu ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

Madaxweynaha cusub ee Jubbaland Axmed Madobe ayaa waxaa uu helay 56 cod, halka Canab Maxamed Daahir oo la tartamaysay ay heshay 17 cod. Doorashada ayaa waxaa codeeyey 73 xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Jubbaland Sheekh.Cabdi oo la hadlay saxaafada ayaa ku dhawaaqay natiijada madaxweyne nimo ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam 56 cod Canab 17 Maxamed Muxumed (Kuulow) 1 Cod. Sidaas awgeed 4-ta sano ee soo socota Axmed Maxamed Islaam ayaa ah madaxweynaha Jubbaland ah.

Goobta ay ka dhacaysay doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka Somaaliya oo Kismaayo yimid maalmo ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxweynaha Jubbaland si ay goob jooga uga ahaadaan doorashada.

Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa qoraal ay shalay ka soo saartay waxaa ay ku baaqday in laga fogaado wax kasta oo amniga wax u dhimaya  khilafka jirna lagu dhameeyo wada hadal.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hor u shaaciyey doorashada Jubbaland ka hor in aysan natiijada ka soo baxda aysan aqbali doonin.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online