Ciidanka Booliska Boosaaso oo qabtay nin dil ka geystay Boosaaso

August 12, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa maanta lagu dilay  magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari nin u dhashay dalka Kenya oo u shaqayn jiray  shirkadda kalluumaysiga Ocean waxaan dilkiisa geystay askari ilaalo u ahaa.

Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud  oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa u xaqiijiyey in dilka uu geystay askari ilaalo u ahaa shirkada kaluumaysiga ee Ocean haddan ay ciidanka amaanka Boosaaso ay qabteen.

Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud oo wax laga wiidiiyey qarax ka dhacay Boosaaso saaka uu wax weyn oo dhib ah geysan marka laga reebo hal askari uu firir ka soo gaaray oo goobta qarax uu ka dhacay ku dhawaa xili uu marayey.

Dhinac kale 4 nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka
Al-shabaab kana soo yimid magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa ciidanka amniga Puntland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ay ku amreen in ay joogsadaan ka dibna waxaa ay isku dayeen in ay baxsadaan bar kontrool oo ay ciidanku lahaayeen ka dibna ciidanka ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah 4tii xubnood halka seddexdii kale gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha amniga magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xubnaha la qabtay  ay u socdeen Buuraha Calmadow iyagoona siday agab kale duwan oo ay ka mid yhiin Kabo haddana ay ku xiran yhiin saldhig ku yaal degmada Badhan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online