Afhayeenka isimada Puntland oo ka hadlay colaada ka soo cusboonaatay Deegaanka Libi
November 13, 2011 - Written byQardho:-Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa ka hadlay colaada dib uga soo cusboonaaday deegaanka Libi oo 45km dhinca koonfur bari ka xigta degmada Rako raaxo ee gobolka Karkaar colaadaas oo u dhexeysa beelo walaalo ah oo wada degan deegaanadaas.
Afhayeenka Isimada Puntland ayaa yiri “Aad baan uga xun nahay colaada mar walba ka soo cusboonaata Deegaanada Puntland iyada oo inta badan uu taliyo qoriga halka uu talin lahaa caqliga iyo nabada. ”Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabudlaahi Cali Ciid ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in ay xiriir la sameeyeen Isimada iyo waxgaradka deegaanka degaanka Libi oo 45km dhinaca koonfur bari ka xigta degmada Rako raaxo ee gobolka Karkaar.
Isimada iyo waxgaradka gobalka Karkaar ayaa wada dadaaalo ay ku xakameynayaan colaada dib uga soo cusboonaatay deegaanka Libi waxaana socda dadaal lagu joojinayo colaad iyo iska horimaadka ka soo cusboonaaday deegaanka Libi oo 45km u jirta Degmada Rako raaxo.
M_M Deeq
Halgan.net