Al-Shabaab oo weeraro gaadmo ah ku qaaday ciidamada Kenya

November 14, 2011 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhoobley ee gobalka J/hoose ayaa shegaya in kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya lagu weeraray deegaanka Haawinaa dagaalka oo socday in ku dhow saacad ayaa waxaa lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya waxaana laga gubay ilaa 3 gaari oo mid ka mid ah uu yahay gawaarida xamuulka ah ee qaada ciidamada.

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo Cabdi Yare  oo la xiriiray dad goobjoogayaal ah ayaa waxay u xaqiijiyeen in ciidamada Kenya laba jeer dhaba gal lagu sameeyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawacna uu soo gaaray ayna arkeen gawaari gubaneysa.

Sarkaal u hadlay ciidamada Kenya ayaa u sheegay Tv NTv in asakari uu ka dhintay 10 kalana ay ka dhaawacmeen wuxuuna inkiray in gawaari laga gubay.

Dhanka kale waxaa sidoo kale uu dagaal xooggan ka dhacay Degmada Ceelwaaaq ee gobal Gedo ka dib markii weerar dhabo gal ah lagu sameeyey ciidmada Kenya waxaana jira khasaaro soo gaaray dad rayid ah ka dib markii ay Madaafiic aan loo meel dayin iska rideen ciidamada Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,779 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>