Chirchir oo sheegay in ay quusiyeen doon ay saarnaayeen 18 Al shabaab ah(Daawo)

November 4, 2011 - Written by

Nairobi:-Afhayeenka ciidamada melatariga ee dalka Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ciidmada badda ee dalka Kenya ay quusiyeen doon ay saarnaayeen 18 ka mid ah askarta Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn Jaziirada macmalka ah ee  Kudhaa .

Afhayeenka ciidamada melatariga ee dalka Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa ku dooday in dhamaan 18 qof ay dileen ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab balse warar madax banaan oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in 5 kaluumeysto ah ay dileen ciidamada bada ee dalka Kenya.

Tv ga Ntv ayaa soo daayey muuqaal muujinaya doon meel fog ka gubaneysa iyo askar ka tirsan Kenya oo ku wada hadlaya Fooneeye.

C/casiis Maxamed
Nairobi Kenya

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc maalmaahan waxaa bilaabatay sheeko cusub oo ah hadaad dooneysid inaad somaali badan disho aad rabto waxaad adeegsaneysaa xeelad cusub oo aad ku bad baadeyso dadkana ay kugu riyaaqayaan ama ay kugu mahad celinayaan waa maxay xeeladaan cusub waxaad leedahay waxaan dilay 10 ruux oo al shabaab ah 7 ruux oo al shabaab ah hadaad doonto kuwa badan laay waxaadna tiraahda waa al shabaab illaahow waa ino jeedda waxaan nahay qom lo tashtay ee naga dulqaad masiibaddaan nagu dul habsatay 21sanno

Leave a comment

*