Ciidanka ururka Al-shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada Kenya
November 1, 2011 - Written byDhoobley:-Ciidanka Ururka Al-Shabaab ayaa galabta weerar qorsheyn oo gaadmo ah ku qaaday ciidamada dalka Kenya ee soo galay qeybo ka mid ah gobalka J/hoose kuwaas oo ahaa kolonyo weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka tuulada Tabta ee gobolka J/hoose oo 60 KM u jirta degmada Dhoobley .
Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu xiriir badan la sameeyey goobjoogayaal ku sugan deegaanka Taabta waxayna u xaqiijiyeen in weerarka uu dhacay gaari jiib ahna laga gubay ciidamada Kenya askar dhowr ahana ay arkeen iyaga oo dhaawac ah.
Ciidamada Al-Shabaab ayaa goobta dib uga baxay markii ay weerarka fuliyeen .waxaa gabi ahaan joogsaday ciidamadii Kenya ee ku sii socday duleedka Degmada Afmadow.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
Cabdi Yare
Kismaayo