Ciidanka ururka Al-shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada Kenya

November 1, 2011 - Written by

Dhoobley:-Ciidanka Ururka Al-Shabaab ayaa galabta weerar qorsheyn oo gaadmo ah ku qaaday ciidamada dalka Kenya ee soo galay qeybo ka mid ah gobalka J/hoose kuwaas oo ahaa kolonyo  weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay  duleedka tuulada Tabta ee gobolka J/hoose oo 60 KM u jirta  degmada Dhoobley .

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu xiriir badan la sameeyey goobjoogayaal ku sugan deegaanka Taabta waxayna  u xaqiijiyeen in weerarka uu dhacay gaari  jiib ahna laga gubay ciidamada Kenya askar dhowr ahana ay arkeen iyaga oo dhaawac ah.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa goobta dib uga baxay markii ay weerarka fuliyeen .waxaa gabi ahaan joogsaday ciidamadii Kenya ee ku sii socday duleedka Degmada Afmadow.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,769 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>