Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka gudaha u soo galay Gobolka Gal-Gaduud
November 19, 2011 - Written byGuriceel:-Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxaa ay gudaha u soo galeen degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya gaar ahaan, Degmooyinka ay soo galeena ciidanka Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah Cabudwaaq , Guri-ceel iyo Dhuusa-mareeb. Ciidankaan Itoobiyaanka ah ayaa waxaa ay ku hubaysan yihiin oo wataan baabuurta loo yaqaan Uraalka iyo Taangiyo. Ciidanka Itoobiyaanka ah aya waxaa degmooyinkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan dariiqada Suufiyada ee la baxay Ahlusunaha oo iyaga ka taliya degmooyin kaas, Ciidanka Itoobiyaanka ayaa la filayaa in ay hub iyo saanada kale duwan ay siin doonaa masuuliyiinta degmooyinkaas ka taliya si ay ula dagaalamaan ururka Al-shabaab .
Soo gelitaanka ciidanka Itoobiya ee Gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaan ahayn wax cusub waxaan soo gelitaankooda markaan ku soo beegmaysaa ka dib markii maalmo ka hor ay ururka Midowga afrika ee IGAD ay ka codsadeen dowllada Itoobiya in ay ciidamo u soo diraan gudaha dalka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhan ah ururka Al-shabaab oo ay hishiis ku wada gaareen dowlladaha Kenya , Ugaandha, Burundi , Itoobiya.
A/cawaale
Halgan.net