Ciidamo ka tirsan Puntland oo gaaray degmada Rako-Raaxo
November 19, 2011 - Written byQardho:-Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saaka soo gaaray degmada Rako-Raaxo ee gobolka Karkaar ciidamada ayaa waxaa horkacaya Col. Muxiyadiin Axmed Muuse waxaana deegaanka Rako ku soo dhaweeyey waxgarad ka soo jeedaa deegaanka Rako. Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Rako-Raaxo G/sare Cabdillaahi Faarax Gaacshe ayaa saxaafada u sheegay in ujeedada ay ciidamada u tageen Rako ay tahay in ay kala dhexgalaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanadaas . Waxgarad ka soo jeeda gobalka Bari ayaa la filayaa in ay isla maanta soo gaaraan gobalka Karkaar si ay u bilaabaan wada xaajood iyo heshiis ay dhexdhigaan labada beelood oo ay colaadu ka dhaxeyso.
M_M Deeq
Halgan.net