Dagaal saaka iyo xalay ka dhacay duleedka degmad Ceel waaq

November 13, 2011 - Written by

Ceel-waaq:-Dagaal u dhexeeyay Ciidamo Soomali ah oo gacan ka hellay ciidanka Kenya iyo kuwa ururka al-shabaab ayaa waxaa uu maanta ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ay ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar la beegsadeen xalay fariisamo ay ciidanka Kenya ka samaysteen duleedka degmada Ceelwaaq.

Dagaalka ayaa  dib u bilwoday saaka ka dib markii ay is helleen 2 sahan oo ka kala tirsan ciidanka Kenya iyo kuwa ururka Al-shabaab waxaan dagaalka saaka ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, Dagaalka ayaan ilaa hadda waxaan ka hadal dowllada Kenya , Ciidanka Kenya ayaa dagaalka u adeegsaday hubka culus iyagoo dhinac ururka Al-shabaab uu dagaalkooda uu ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyadoo arinka ay ugu wacan tahay is gaarsiinta degmada Ceel-waaq oo
oo hawad ka maqan, Saraakiil  u hadlay ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka dalka Kenya iyo ciidamo Soomaali ah oo la socday dagaalo dhowr jeer ku dhjexmaray Degaano ka tirsan Gobollka Jubada hooose.

Saxaafada dalka Kenya ayaa saaka waxaa ay shaaciyeen in ciidamo gaaraya ilaa 30 askari oo ka  tirsan ururka Al-shabaab ay isku dhibeen ciidanka dalka Kenya iyadoo arrinkaas aysan weli ka hadal Madaxda ururka Al-shabaab ee Gobollada Jubooyinka.

A/cawaale
halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online