Gal-Mudug oo iska fogeysay eedayn ay u jeediyeen Puntlland
November 23, 2011 - Written byGaalkacyo:-Afhayeenka u hadlay Maamulka Gal-mudug oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Xassan Baasto ayaa iska fogeeyey eedeyn kaga timid Puntlland isagoo sheegay in Gal-Mudug aysan wax colaad ah ka wadin magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Afhayeenka ayaa waxaa uu ku tilmaamay eedaybta kaga timid Puntlland mid riyo ah isagoo sheegay dhibta ka jirta Gaalkacyo in ay ku egtahay Xaafadaha uu ka taliyo maamulka Puntlland.
Afhayeenka Gal-Mudug Axmed Maxamuud Xassan Baasto ayaa ku sheegay wareegtada ka soo baxday Puntlland mid abuuraysa colaad ka dhex dhacda shacabka wada degan Gaalkacyo wixii arrinkaas ka yimaadana ay masuuliyadooda ay qaadayaan madaxda Puntlland
bilo ka hor ayaa waxaa magaalada Muqdisho hishiis ku wada gaaray Madaxweynaha Puntlland iyo kan Gal-Mudug waxaa ay isku raaceen in ay ka wada shaqeeyaan ama iska kaashadaan dhibaatada amaan daro ee ka jirta Gaalkacyo arrintaas oo aan wax ka hirgalay aysan jirin.
Afhayeenka Gal-Mudug Axmed Maxamuud Xassan Baasto ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedaynta loo jeediyey Gal-Mudug
isagoo xusay in qaab maamul wax lag xaliyo haddii khilaaf ama dhib dhacdo basle colaad iyo dhibaato ka jirta Puntlland aan lagu eedayn maamulkooda.
Hadalka Afhayeenka Gal-Mudug ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta warsaxaafdeed ka soo baxay Puntlland eeda dusha looga tuuray Gal-Mudug iyadoo lagu eedeeyey in dilalka iyo dhibaatad ka dhacda Waqooyiga Gaalkacyo ay ka danbeeyaan maleeshiyaad ka soo jeeda Gal-Mudug.
M_M_Deeq
Halgan.net