Golaha wasiirada ee DFKM oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

November 17, 2011 - Written by

Muqdisho:-Golaha wasiirada DFKM ayaa maanta iskugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha xukuumada Dr.Cabdiweli Maxamed Cali. Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaan ee dalka, bannaynta dhismayaasha dawladda, mashrruuca guriyeynta ee dawladda Turkiga ballan-qaadey, la dagaalanka musuq maasuqa iyo warbixinta ku saabsan gargaarka iyo kaalmeynta shacabka.

Ugu horreyntii golaha ayaa warbixin ka dhageystay wasiir ku xigeenka Difaaca oo ka warbixiyay xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidanka qalabka sida, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in la horumariyo xaaladooda korna loo qaado niyadda ciidanka maadaama ay soo hooyeen guulo wax ku ool ah oo ay ka mid tahay inay gacanta dowladda soo geliyeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood.

Golaha ayaa sidoo kale waxay ka doodeen dhismayaasha dawladda ee la haysto ama dad shacab ah ay deggen yihiin, dood dheer kaddib goluhu wuxuu go’aansaday qodobbada hoos ku xusan:

  1. Inay sharci-darro tahay in la dego guryaha dawladda
  2. Waxaa la farayaa cid walba oo deggen guri dawladeed inay uga baxaan muddo 15-cisho gudahood ah
  3. In la dhiso maxkamad gaar ah oo qaadda dacwooyinka la xiriira guryaha dawladda iyo ciidan gaar ah oo arrintaas hirgaliya;
  4. Goluhu waxay arrintan u saareen guddi wasiirro ah oo ay ka mid yihiin: wasiirrada Arrimaha gudaha, howlaha guud iyo Guriyeynta, Gaashaandhiga, Maaliyadda, Qorsheynta, Warfaafinta iyo xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir.
  5. In la sameeyo ogeysiin xagga warbaahinta ah, sidii loogu digi lahaa dadka deggen guryaha dawladda

Sidoo kale, golaha wasiirradu waxay ka doodeen mashruuc guriyeyn oo ay isla wadaan dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo dowladda Turkiga oo ah guryo qiimo jaban oo loogu talo-galay inay dagaan dadweynaha, waxayna isla garteen arrintaas in la dardargeliyo, si looga faa’iideysto mashaariicdaas.

Guddiga abaaraha ee heer wasiir ayaa laga dhageystay warbixin ku sabsan cunno qeybin ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo xiriir uu la yeeshay hay’adaha dawliga ah ee ka hawlgala arrimaha gargaarka.

Dhanka kale, golaha Wasiiradu waxay mar kale ka doodeen siyaasada iyo shuruucda hay’adda la dagaalanka musuq-maasuqa, waxay sidoo kale dood dheer ka yeesheen dhismaha shuruucda iyo qawaaniinta ay ku shaqeyn doonto hay’adda Maareynta musiibooyinka.

Ugu dambeyntii, goluhu wuxuu saaray guddi kasoo tala bixiya qaabkii loo sameyn lahaa hay’ad madax bannaan ee doorashooyinka dalka iyo weliba sharciga doorashooyinka iyo axsaabta siyaasiga ah. Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay wasiirka qorsheynta oo ka hadlay heerka uu marayo wada shaqeynta xagga farsamo ee dawladda Turkiga iyo Soomaalida isagoo tilmaamay inay hawsha u socoto si habsami leh.

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online