Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Mudug Farxaan Cali oo qarax lal beegsaday

November 8, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa saaka qarax miino  lagu weeraray guddoomiye ku-xigeenkii gobolkaMudug Farxaan Cali Xirsi xili uu marayey wado marta gurigii uu deganaa , qaraxmiinada ah ayaa waxaa ka badbaadeyy guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug balse waxaa dhaawac fudud soo gaaray qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo burbur gaaray gaarigii uu watay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo waxaan ay ka bilaabeen howl gal ay ku raadinayaan ciddii fulisay qarax waxaan ay xireen jidadka ka dhow goobta qaraxu ka dhacay, Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo kuwa Sirdoonka ayaa diiday in ay saxaafada wax faahfaahin ah ka siiyaan howl galka ay wadaan waxaan ay ku gaabsadeen in ay dib ugu warami doonaa saxaafada.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maalmahaan waxaa ay ka nasatay qaraxyo iyo dilal qorshayn oo lala beegsado masuuli yiinta maamulka Gobolka Mudug iyo weliba dadka waxgaradka ah ee ku nool magaalada. Dilalka iyo qaraxyada ka dhac magaalada Gaalkacyo xaafadaheeda ayaa waxaa ay yihiin kuwa siyaaseed iyo aanooyin qabiil oo isku jira iyadoo arrinkaasna ay soo abaabulaan kooxo ku sugan gudaha magaalada oo qaarkood la tuhunsan yahay in ay ka danbeeyaan dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada. Qarax kan oo kale ah ayaa 23 bishii September waxaa magaalada Gaalkacyo lagula beegtay guddoomiyihii Gobolka Mudug ahna duqa magaalada Gaalkacyo Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay walow uu qaraxaas ka badbaaday isaga iyo ilaaladii la socotayba.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online