Madax ka tirsan DFKM oo u baqoolay Makkah (Warsaxaafadeed)
November 2, 2011 - Written byMuqdisho:-Mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan dowladda ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde International iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Barakeysan ee Makkah ee dalka Sucuudiga halkaasoo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka sanadkan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo sidoo kale, wefdi kale oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintan ayaa gudanaya Xajka sanadkan, maadaama Xajku uu yahay mid ka mid ah Tiirarka Diinta Islaamka, oo qof kasta oo Muslim ah looga baahan yahay inuu Xajiyo marka uu awoodo.
no images were found
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sanadkan soo Xajiyo isagoo xusay inuu Alle uga baryi doono shacabka Soomaaliyeed inuu dhibaatada abaarta iyo dagaalada ka dul qaado, sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo, Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.
Madaxdan ayaa la filayaa in marka ay dhameystaan gudashada Xajka ay u tacsiyeyn doonaan dowladda Sucuudiga oo uu dhowaantan ka geeriyooday dhaxal sugihii boqortooyada, Boqor Sultan bin Abdulaziz Al Saud, waxayna halkaasi kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka Sucuudiga. ——Dhamaad—
Garad Salad Hersi*
*Communication Director
office of the PM
Mobile:
+252-615536608*
+252-6-2536608*
Mogadishu, Somalia