Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kipaki oo ka hadlay Soomaaliya
November 8, 2011 - Written byNairobi:-Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kipaki ayaa waxaa uu si rasmi ah u sheegay in howlgalada ciidamada Kenya ay ka wadaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobalka J/hoose ay sii socon doonaan .
Madaxweynaha dowlada Kenya Mwai Kipaki ayaa sheegay sidoo kale in qorshaha qura ee lagu hormarin karo nabada Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya ay tahay in la soo cesho nabadii Soomaaliya .Madaxweynaha Kenya ayaa hadlan ka yiri furitaanka shir arrimaha Amniga Afrika ku saabsan oo lagu qabtay magaalada Nairobi
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Kenya Mwai Kipaki ayaa ku soo khatimay khudbadiisa in ciidamada Kenya ee galay gudaha Soomaaliya ay maslaxad u tahay qaarada afrika iyo aduunka oo dhan.
Ciidamada dalka Kenya ayaa waxay haatan ku sugan yuhiin deegaanada Dhoobley,Taabta Qooqaani Buurdhuubo iyo Jaziirada Kaamboooni.
Afhayeenka Al-Shabaab Sh Cali Dheere iyo Masuuliin kale oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa wacad ku maray in dowlada Kenya ay ka shalaayi doonto duulaanka ay ku soo qaaday gobalka J/hoose
C/casiis Maxamed
Halgan.net