Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif, Yuweri Muzaveni, Moi Kibaki oo kulan u soo gabagaboobay

November 16, 2011 - Written by

Nairobi:-Kullanka maanta ay yeesheen madaxda seddexda waddan waxaa sidoo kale la isku afgartay in si dhow isula shaqeeyaan ciidamada Kenya, kuwa Dowladda ku meel gaarka iyo ciidanka Amisom si meesha looga saaro kooxda Al Shabaab.

War murtiyeed si wada jir ah ay u soo saareen madaxda waddamada Kenya, Uganda iyo Soomaliya ayaa waxaa lagu sheegay in waddamadan ay soo dhoweynayaan rabitaanka Kenya ay ula shaqaynayso AMISOM.

Kullanka ayaa waxaa ku beegmay iyadoo ciidanka Kenya muddo bil ah howgal militari ka wadaan gudaha Soomalia waxayna sheegtay Kenya in ay Soomaliya kula dagaalamayso kooxda Al Shabaab oo ay ku eedeynayso in ay ka dambayso afduubyo dhowr ah oo ka dhacay Kenya kuwaas oo lagu bartilmaamaydsaday dad reer Yurub ah.

Madxweynaha Dowladda Ku meel gaarka ee Soomaliya Sheikh Shariff Sheikh Axmed ayaa lagu martiqaaday kulankaas, iyadoo sidoo kale uu jiray mugdi soo kala dhaxgalay Soomalia iyo Kenya ka dib markii madaxweynaha DKM ee Soomaliya sheegay in ciidamada Kenya aanay ogolaasho ka haysan Maamulkiisa iyo beesha caalamka.

Kenya ayaa waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay taageero ugu heli lahayd hawgalkaasi. Kenya waxay taageero ka raadinaysa Maraykanka, Israel, Midowga Africa iyo UrurGoboleedka IGAD. Waa  markii ugu horaysay oo Madaxweynaha Soomaaliya booqdo Kenya tan iyo intii uu bilawday howgalka Kenya.

Xigasho BBC

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online