Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed oo ku soo laabtay Muqdisho

November 26, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka soo qeyb galeen shirka madaxda wadamada urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis Ababa.

Wafdiga madaxweyaha DFKM ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirka gaashaandhigga ee DFKM Xusen Carab Ciise xildhibaano iyo xubno ka tirsan madaxtooyada DFKM waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Raisulwasaaraha DFKM Cabdiweli Maxamed Gaas.

Kulankii madaxda urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen Addis Ababa ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed kaas oo lagu codsaday in dowlada Itoobiya ay ciidamo u soo dirto Soomaaliya .

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya Dina Mufti ayaa u sheegay warbaahinta in ay si deg-deg ah uga jawaabi doonaan codsiga kaga imid dowladaha ku midoobay IGAD  maalmaha soo socda si loo taageero howlgalada ay ciidamada AMISOM iyo Kenya ka wadaan Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online