Madaxweyne Shariif oo tacsi u diray eheladii marxuum xildhibaan Aadan Buulle
November 10, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaan Aadan Buulle Maxamed oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho .
Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif ayaa ku sheegay dilkii loo geystay xildhibaan Aadan Buulle uu ahaa mid wuxuu-shnimo ah oo ay geysteen koox wax magarayo ah.
Tacsi.
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun
Muqdisho, November 10, 2011 Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, qaraabada, asxaabta, Xildhibaanada, dowlada iyo shacabka Soomaliyeed oo shalay si waxuushnimo ah loo ga dilay masuul qaran allah ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay fal-dambiyeedkii lagu dilay Xildhibaan Aadan Buulle mid naxdin weyn ku reebay dowlada iyo shacabka Soomaliyeed loona baahanyahay in si deg-deg ah cadaalada loo hor keenyo dambiilayaashhii ka dambeeyay dilkii arxandarada ahaa ee loo geystay Xildhibaan Aadan Buulle.
Madaxweyne Sharif ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay kaashadaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida si looga hortago fal-dambiyeedka dhaawacaya amniga iyo sumcada ummada Soomaliyeed.
Ugu dambaynii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa ugu duceeyay marxuun Aadn Buulle Maxamed in ilaahay jana fardoowsa ka waraabiyo.
Suldan A. Farahsed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia