Mashruuca Balaarinta Parking-ka Masaajidka Abu-bakr ee Seattle,Washington: (Daawo Video)

November 12, 2011 - Written by

Seattle,Washington:-Masaajidka Abu-bakr ee Seattle,Washington Waxaa uu ka mid yahay Masaajidda ugu waaweyn ee ay somalida Ku leeyihiin Wadankaasi Mareykanka gaar ahaan Gobalka Washington Magaalada Seattle waana Masjidka ugu weyn uguna Jamaacadda badan Guud ahaan Gobalka Washington Waxaana ku baxay Qarash gaaraya 4 Million oo Dolarka Mareykanka.

Masjidka waxaa uu qabtaa Hawlo aad u fara badan marka laga reebo Salaadda oo ah Muhiimadda Koowaad ee loo dhisay,Xalinta khilaafaadka Bulshada sida Qoysaska,Ganacsatada,Barnaamika Xifdiska Qur’aanka kariimka,Dowrooyin Cilmi ah,Dood Cilmiyeedyo Ku saabsan Sida ay Jaaliyadda ugu hortagi karto dhibaatooyin kusoo fool leh ama ay u hiigsato Barnaamijyo anfac u ah,Halkan lagumo soo koobi karo Masjidka hawlaha uu umadda u hayo waxaana ay is weydiiyaan Bulshada ku dhaqan Gobalkaasi sidee buu xaalka ahaan lahaa hadii aanan la heysan Markaskaasi Abubakr.

Masjidka waxaa joogo oo Maamulkiisa  gacanta ku hayo Sheikh Axmed Nuur Macalin oo Ka mid ah Culimada waa weyn ee Somalida Waxaana nasiib u yeeshay Somalida Ku dhaqan Gobalkaasi in ay heleen in uu Sheikha Noqdo Imamkooda.

Masjidka Waxaa uu ku yaallaa Xaafadda TUKWILA ee Magaalada Seattle Waxaana la furay September 2009 Waxaa ay Degmada uu ku yaallo bixisaa Sharci ama License loogu tala galay goobaha Masaajidda ama Meel kasta oo Dadweynaha u furan sida Ganacsiga,Waxaana ay ku xireen Sharciga masaajidka Shardi ah in Masjidka aan wax dawcad ahi uga iman dariska oo aan la rabshin Guryahooda aanan la dhigan Gawaarida iyo Shuruudyo kale.

Dadweynaha Kheyrka jecel ee Ku dhaqan gobalkaasi waxaa ay ku dadaalaan in Shuruudahaasi la dhameystiro balse waxaa jira in mar marka qaar aanan sidii loogu tala galay loo fulin dhigashada Gawaarida oo mararka qaarna la dhigto meelo aanan habooneyn keeni karana in dariska masjidka dacweeyeen taasna waxaa ay dhib weyn ku tahay dhammaan umadda Muslimka ah ee ku dhaqan Gobalka keeni kartana in masjidka dhib naga soo gaaro.

Hadaba si xal loogu helo arimaha Parking-ka masaajidka waxaa uu masjidka u baahanyahay illaa ugu yaraan 50-Parking ama Meelaha gawaarida la dhigto,taasoo sahli doonta Insha allah in majsidka uu isku filnaado qof walibana uu helo Parking uu dhigto gaarigiisa masjidkana sharcigiisa uu si buuxdo u helo.

Waxaa jiro Ikhawaani Guri ku dhaggan Masaajidka oo uu leeyahay qof aanan Muslim ahayn Waxaana horay u daganaa walaal ka mid ah jamaacada Masjidka Maamulkana ka mid ah oo Runtii u dulqaadan jiray dhib kasta oo lagu hayay waxaana gurigiisa la dhigan jiray illaa 40 gaari ugu yaraan oo maraka qaarna xitaa uu dhib kala kulmi jiray.

Gurigaasi waa uu ka guuray Walaalkii deganaa  Masjdikana waxaa uu u baahanyahay Parking saan horay idinku sheegnay Gurigana waa iib hadii uu qof aanan muslim ahayn gato waa lawada dareemi karaa dhibka ka iman karo oo waxaa meesha ka baxaya dulqaadkii uu walaalkii horay u daganaa u dulqaadan jiray dadka.

Hadaba si masjidka loo badbaadiyo Allah ayaa badbaadin karee waxaanu u baahanay in masjidka loo gado gurigaasi si looga dhigo parking Waxaana u sheegeynaa muslimiinta meelkasta oo ay joogaan in ay ka qayb qaataan Khayrkan waana fursad qaali ah oo sahleysa in uu qofwaliba ku darsado si ajarkaasi uu ugu socdo waligiis.

Qaybtan hoose waxaanu idinku soo gudbineynaa Video ku saabsan Mashruucaasi waxaadna ka arki kartaan Guriga Masjidka loo gadayo.

Hassan Sunni
Abubakr Masjid Qaybta Media-ha

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online