Maxaabiis laga sii daayey Xabsi ku yaal Magaalada Garoowe
November 24, 2011 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta laga sii daayey Xabsi ku yaal magaalada Garoowe ilaa 8 maxbuus oo lagu qabtay iska horimaad hubaysan oo degmada Taleex ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntlland iyo S/lland , maxaabiistaan ayaa waxaa maxkamada darajada koowaad ee Garoowe ay ku xukuntay xabsi u dhexeeya 5 sanno ilaa 10 sano oo xarig ah.
Maxaabiistaan ayaa maanta waxaa lagu sii daayey cafis ka yimid Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ka dib markii ay codsigaan u jeediyeeen Isimo, Garaado iyo waxgarad aad looga yaqaaan degaanada Puntlland, Taliyaha ciidanka Booliska Puntlland Gen. Maxamed Siciid Jaqanaf oo saxaafad la hadlay ayaa xaqiijiyey in maxaabiistaan lagu sii daayay cafis ka yimid madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.
no images were found
Taliyaha ciidanka Booliska Puntlland Gen. Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in maxaabiista la siidaayey oo xirnaa mudo 3 bilood ah in wixii gaadiid iyo agab kale ah lagala wareegay waqtigii la qabtay sida ay xukuntay maxkmada darajada koowaad ee Garoowe, qaar ka mid ah maxaabiista la siidaaayey oo la hadlay saxaafad ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in la siidaayo oo dib u hellaan xoriyadoodi
iyagoo sheegay in mudadii ay xirnaayen si wanaagsan loola dhaqmay.
M_M_Deeq
Halgan.net