Maxamed Dheere oo soo dhaweeyey soo galitaanka ciidamada Kenya iyo Itoobiya
November 23, 2011 - Written byMuqdisho:-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in uu isaga soo dhaweynayo soo galitaanka ciidamada Itoobiya ee soo galay gobalada Dhexe iyo Hiiraan wuxuuna sheegay in DFKM aysan waxba ka qaban karin kaligeed amaan darida ka jirta Soomaaliya.
Maxamed Cumar Xabeeb oo saaka la hadlay warbaahinta ka howl gasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in DFKM ay ku saxan tahay in ay u yeerato ciidamo caalami ah oo gacan ku siiya amaanka
Maxamed Dheere ayaa yiri “Ciidamada Itoobiya ee soo galay dalka waa mid aad u wanaagsan, maxaa yeelay dhibaatada dalka ka jira ma ahan mid Soomaali kaliya heysta ee waa mid caalami ah waana in si guud wax looga qabtaa ,”
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sidoo kale ka hadlay ciidamada Kenya ee soo galay gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo gacan siineysa shacabka Soomaaliyeed kana dulqaadeysa wax uu ku tilmaamay dambiilayaal caalami ah.
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa soo galiyey Soomaaliya ciidamo faro badan iyaga oo marmarsiyo ka dhiganaya in ay la dagaalamayaan Ururka Al-Shabaab hoosna ku wata Ajandahooda u gaarka ah .
A/Cawale
Halgan.net