Maxamed Dheere oo soo dhaweeyey soo galitaanka ciidamada Kenya iyo Itoobiya

November 23, 2011 - Written by

Muqdisho:-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir  Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in uu isaga soo dhaweynayo soo galitaanka ciidamada Itoobiya ee soo galay gobalada Dhexe iyo Hiiraan wuxuuna sheegay in DFKM aysan waxba ka qaban karin kaligeed amaan darida ka jirta Soomaaliya.

Maxamed Cumar Xabeeb oo saaka la hadlay warbaahinta ka howl gasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in DFKM ay ku saxan tahay in ay u yeerato ciidamo caalami ah oo gacan ku siiya amaanka

Maxamed Dheere ayaa yiri “Ciidamada Itoobiya ee soo galay dalka waa mid aad u wanaagsan, maxaa yeelay dhibaatada dalka ka jira ma ahan mid Soomaali kaliya heysta ee waa mid caalami ah waana in si guud wax looga qabtaa ,”

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir  Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sidoo kale ka hadlay ciidamada Kenya ee soo galay gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo gacan siineysa shacabka Soomaaliyeed kana dulqaadeysa wax uu ku tilmaamay dambiilayaal caalami ah.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa soo galiyey Soomaaliya ciidamo faro badan iyaga oo marmarsiyo ka dhiganaya in ay la dagaalamayaan Ururka Al-Shabaab hoosna ku wata Ajandahooda u gaarka ah .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online