Puntland oo Digniin u jeedisay Hey’adaha Universal TV iyo Somali Channel

November 13, 2011 - Written by

WAR SAXAAFADEED 13 November 2011 Shir ay si wadajir ah uga soo qaybgaleen Mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa looga dooday arrimaha Saxaafadda iyo sidii loo hirgalin lahaa amarkii Dowladda ay shaqo-joojin ugu samaysay Hey’adaha warbaahinta oo kala ah Universal TV iyo Somali Channel TV.

Shirkaasi waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Ku-xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Sarkaal ka tirsan Taliska Ciidamada Booliska Puntland, La Taliyaha Madaxweynaha arrimaha Saxaafadda, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo Mas’uuliyiin kale.

Ka dib markii ay Dowladda Puntland go’aamisay in shaqo-joojin lagu sameeyo hey’adaha Universal TV iyo Somali Channel TV 1-da Novembar 2011, ayaa waxaa cadaatay in hey’adahaani ay shaqadoodii usii wataan si qarsoodi ah iyo weliba in Mas’uuliyiinta hey’adahani
ay warbaahinta ka jeediyaan hadalo isugu jira eedeyn, kicin shacab iyo aflagaado lala beegsado Madaxda Dowladda Puntland.

Mas’uuliyiintii shirkaan kasoo qeybgashay ayaa iswaydaarsaday fikrado kala gedisan ee la xiriira arrimaha saxaafadda waxayna soo saareen go’aamada hoos ku qoran:

 

  1. Waxaa la cadeeyey in dhamaan deegamada Dowladda Puntland ay ka shaqayso Saxaafad xor ah sida Idaacado, TV, Wargayso, iyo Internet, sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland;
  2. Waxaa Digniin kama Dambays ah loo jeediyay Hey’adaha  warbaahineed oo kala ah Universal TV iyo Somali Channel TV in ay joojiyaan amar-diidmada iyo sii wadashada shaqadooda si qarsoodi ah oo aan xeerka wafaaqsanayn;
  3. Hadii ay Hey’adahaan ka dhago-adeegaan amarka Dowladda, waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Gudoomiyeyaasha Gobollada iyo
    Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Puntland inay qaadaan tallaabo ku haboon oo Sharciga wafaaqsan;

 

  1. Waxaa Dallada Saxaafadda Puntland (Media Association of Puntland – MAP) lagu wargalinayaa inay la socoto howlaha
    warbaahineed gaar ahaan tallaabooyinka ay ku dhaqaaqaan Universal TV iyo  Somali Channel TV.

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online