Qarax saaka lagu weeraray saraakiil ka tirsan DFKM oo ku sugnaa Villa Baydhabo
November 30, 2011 - Written byMuqdisho:-War haatan uu na sóo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xooggan oo sababay khasaare kala duwan saaka lagu weeraray saraakiil ka tirsan DFKM oo u ka mid yahay Abaanduulaha ciidanka Milatariga Gen C/kariin Yuusuf Dhega Badan kaas oo ka dhacay xarunta Villa-Baydhabo ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid ismiidaamin ah waxaana fuliyey qof ku labisan dareyska ciidanka DFKM warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhaawaca uu kor u dhaafay ilaa 15 askari dhimashada askarta DFKM iyo kuwa AMISOM ayaan ilaa haatan la shaacin
Villa-Baydhabo ayaa waxaa saaka kulan ku lahaa saraakiil ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM. ilaa haatan wax war ah kama uusan soo bixin saraakiisha ciidanka AMISOM.
Afhayeenka howlgalada ciidanka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen qaraxii ka dhacay Villa Baydhabo ayna ku laayeen askar faro badan .
A/Cawale
Halgan.net