Raiisulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Ali Babacan oo soo gaaray Muqdisho

November 26, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo Ra.iisulwasaare ku xigeen ka Turkiga Ali Babacan isagoo ay masuuliyiin ka tirsan DFKM ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee  Aadan Cadde,Ra.iisulwasaare ku xigeen ka dalka Turkiga Ali Babacan ayaa waxaa uu kulan la qaatay Ra.iisul wasaaraha DFKM prof Cabdi weli Cali Gaas iyo wasiiro ka tirsan DFKM.

Raiisulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Ali Babacan ayaa waxaa uu isla saaka booqasho ku tegay xeryo ay ku jiraan baraka cayaasha  gaar haan xerada Rajo iyo Badbaado oo ay aasaaseen DFKM waxaan ku jira dadweyne fara badan oo aad u tabaalay san, Raiisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Ali Babacan ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato ururka haweenka iyo bulshada rayidka.

no images were found

Raiisulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Ali Babacan  ayaa waxaa amaankiisa si gaar ah u sugayey ciidanka AMISOM iyo ciidamo ka tirsan DFKM kuwaas oo ilaalo gaar ah ka hayey gaadiidka uu la socday  Ali Babacan  iyo wafdigii la socday oo lagu soo wareejiyey goobaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online