Raisulwasaaraha DFKM oo dib ugu soo laabatay Muqdisho(warmurtiyeed)

November 1, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal labo cisho qaatay oo ay ku tageen magaaladal Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay kula soo kulmeen heshiisna kula saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah ee Aadancadde International waxaana soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil, iyo bulshada rayidka ah iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu saxaafada uga warbixiyay natiijada kulankii Nairobi.

“Natiijo wanaagsan ayaa ka soo baxday kulankii Nairobi aan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya waxaana kala saxiixay heshiis iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay ku xoojinayaan xiriirkooda dhanka ammaanka iyo siyaasada, wuxuuna ku soo idlaaday kulankeenu is afgarad” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo iska fogeeyey inuu jiro wax kala aragti duwanaanshiyo ah oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha dowladda Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in kulamo kale oo gooni gooni ah uu la qaatay madaxda Kenya iyo kuwa beesha caalamka kaasoo lagu xoojinayo taageerada heshiiska labada dowladood, “Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiskan waa in si isku mid ah hal meel looga soo wada jeestaa caddowga labada dowladood, gacan bir ahna lagu qabto” ayuu mar kale yiri.

DHAMAAD –

Garad Salad Hersi*
Communication Director
office of the PM
Mobile: +252-615536608*
+252-6-2536608*
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online