Shiikh Yaxye Xajuuri oo ku baaqay Jihaad ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta(Dhageyso)

November 26, 2011 - Written by

Yemen:-Wararkii ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaray Markazkii Daarul Xadiis ee magaalada Damaaj ayaa sheegaya in dagaal culus ay soo qaadeen kooxda Xuutiyiinta waxaana dagaalka ku shashiiday ilaa haatan 10 ka mid ah ardayda Markazka Daarul Xadiis waxayna kala yihiin magacyadooda.

 

1-Badar Al-Cowdii

2-Sadam Al-Raymii

3-Cabdiraxmaan Al sharcabii

4-Maxamed Alquseynii

5-Maxamed Alxakiim

6-Ahmed Alcaskarii(Dhaawacii Buu u dhintay)

7- arday  u dhashay dalka Mareykanka

8-Arday u dhashay wadanka Malesia

9-Arday u dhashay Dalka Indonesia

10-arday Mareykan u dhashay

Dhaawaca ardayda ayaa gaaraya ilaa haatan 12 oo dhaawacooda uu fudud yahay,dhanka kale waxaa ka dhintay kooxda Xuutiyiinta in ka badan 21 dhimasho ah waxaana socda dagaal goos goos ah waxaana fashilmay dhamaan dhexdhexaadintii ay wadeen waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda Qabaailka Yemen.

Sheekh Yaxya Xajuuri ayaa ugu baaqay dhamaan Ahlu suna Yemen in ay soo gaaraan una gargaaraan walaalahood Damaaj wuxuuna ku baaqay Jihaad ka dhan ah Kooxda xuutiyiinta.  Waxaan alle ka baryeynaa in Muslimiinta Ahlusunaha ee la dulmiyey iyo Sheekh Yaxya Xajuuri iyo Dhamaann ardayda Markazka Daarul Xadiis ee Damaaj  uu xifdiyo kuwa Ahlu quliwiga ah ee jecel in arday iyo Shiikhu Yaxye Xaajuuri wax gaaraana uu alle keydkooda ku celiyo Aaaaaamiin.

Hoos ka dhagayso Shiikh Yaxye Xaajuur oo ku baaqay Jihaad ka dhan ah Kooxada Xuutiyiinta ee Raafida ah

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/aljhad.mp3]

21 Comments so far

Leave a comment

  1. xiliga uu dagaalku dhacayay anigu ma joogin lakin waxaan dhagaystay xuuthiyiinta caqiidadooda oo aan qeyb ka mida sheegay

  2. dammaaj wixii ka dhacay wuxuu ahaa niman gaala ah oo xuuthiyiin la yiraahdo oo aaminsan abuu bakar cumar iyo dhamaan saxaabada in yar maahane inay yihiin gaalo caaishana ka aaminsan gaalo saaniyad ah quraankana ka aaminsan in la badalay ayaa dagaal ku soo qaaday arday diinta illaahy barata oo salafiyiin ku taagan iyaguna way iska difaaceen illaahyna waa u hiiliyay waxaana dhacay karaamooyin badan alxamdulillaah
    jihaadkaanina lama mid maaha kuwa muslimiinta intay laayaan oo la wareegaya fitnada oo maalinba dadka ku qarxinaya masaajida labadan jihaad waxaa u dhaxeeya farqiga u dhaxeeya samada iyo dhulka waa jihaad xaq ah iyo jihaad baadila wa salaamu calaykum
    yemen daarul xadiith damaaj

  3. We ask Allah that He aids and helps our Salafi brothers in Damaaj and that breaks the backs of the raafidah al-kafarah Lacnat Allahi Calayhim

  4. A.c.WALAALAYAAL MARHORE AYAA LOOBAAHNAA INDAMAJ LOGA DHAWAAQO ARINTAA ALLAHA UGARGAARO AHLU SUNNAHA ALAHA DULEYO AHLU BIDACA

  5. a/s walalayaal waa inaynu u ducayno walalaheen reer damaaj ahlusunuhu waa walaalo meelkasta oo aduunka joogan

  6. S/c walaalayaal waa arin aad iyo aad u dhib badan maxaa yeelay xuthiyiinta waxaa tageero dhinac kasta ah siiyo Iiraan marka waxay wadaan dhul balarsi Ahlu sunihina dhexdooda ayaa is cunaa kan wa salafi kan wa Ikhawani kan waa Jihaadi iyo wixi la mid ah ااكلت يوم اكل الثور الا بيضhadii aan dhahay Salafi waxa dhacday inaan dagaal jihad ah oo iska cad inaan ku sheegno Fitnah hada watan anaga na heesato Allahuma unsurnaa

  7. asalaamu caleykom maaashaa alllaaah waa wax lagu farxo mujaahidiintaan isu diyaariyey in ay u gargaaraan walaalahooda reer damaaaj
    دماج
    أسدالسنة والتوحيدواعظ أهل السنة الشيخ عبدالله عثمان الذماري يتحرك بمأتين مجاهدمن خيرت شباب ذمار نسأل الله لهم التوفيق والثبات والنصر. .. .. محافظة الحدية في اليمن وتهامة تجهز 5000 مقاتل لمناصرة أهل دماج والحوثيون يستبقون الحدث بزحف بالدبابات ضد مركز السنة هناك. .. .. المحافظات الجنوبية في اليمن تجهز كتائب لنصرة اهل السنة في دماج و17,000 مقاتل يستعدون من جنوب اليمن لنصرة أهل السنة في صعدة. .. .. 3000مجاهد من قبائل مأرب تستعد لمناصرة إخوانهم أهل السنة في دماج وبقية محافظات اليمن تستعد وتجهيزات لكتائب السنه في سائر اليمن
    المدة:

  8. asalaamu calaykum
    walaalaha tacliiqinaya warbixintan waxaan oran lahaa intaadan qorin ka fiirso, rag waxay isku khaldayaan dagaal fitno ah oo culimadu ay ku tilmaameen inuu fitno yahay iyo dagaal mashruuc ah oo ay culimadu ku tilmaameen mid sharciya, hadaba caqligaaga ha raacine raac sharciga sidaasaa layna amraye culimadana ka qaado xaqa ay sheegayaan iyagaa lana amray inaynu wax waydiine. tan kale walaalka leh Xuuthiyiintu waa Zaydiyiin waxaan oran lahaa walaal tag Sacda oo indhahaaga ku soo arag adiguna soo xukun, waan joogi jirey waana aqaanaa iyaga iyo Khumsyni waa isku caqiido waa Raafido Ithnaacashariyiina Zaydiyana shuqul kuma laha bal way la dagaalamaan oo sida ay ahlu sunaha bay u neceb yihiin.
    Walaalaha ka dhigaya Sh Yaxye inuu is khilaafay ha dhegeysteen kelmadiisa ka dibna ha xukumeen, qof difaacaya naftiisa maalkiisa iyo sharaftiisa muxuu noqonayaa xukunkiisa? aniga ma hayo meel SHeekha uu ku yiri ciraaq lagama dagaalami karo laakiin waxaan hayaa Afqaanistaan inuu fatwooday inay Jihaad tahay oo layska celiyo kuwa xad gudubka wada. ugu danbayn Faaruuq Zuyuudu waa shiicada kuwa ugu dhow AHlu-sunaha sida sheekhu islaam uu yiri, waana ahlu qibla cid gaalaysayna ma jirto. ilaahay waxaan uga baryayaa inuu u gargaaro walaaleheen shalay dadkii dhaawacmay waxaa ku jirey walaal soomaaliya…..

  9. asc اللهم انصر اخواننا في دماج اللهم احفظ حوزة العلم اللهم امهزم المعتدين الروافض اللهم امين
    waxa ugu yar ee aan u samayn karno walaleheen waa in aan ku ducayno markaa yeynaan kala bakhaylin mida kale waxan oran lahaa qolyaha arintaan fursada ka raadsanaya oo raba dagaaladii fitanta ahaa ee dadka muslimiinta dhiigooda ku daadinayeen in daliil ugu dhigtaan waxan leeyahay haysku daalinina wixii aad wadeen iyo tani waa wax kala dheer una malaynmayo in ey jirto cid wax kale ku sheegi karta in ey ka difaacaan rawaafida naftooda iyo cirdigooda markii ey diideen wax kasta oo xal ah

    • Asww: ducada waxankaa iri aamiin, laakiin ogolaw in lagu fahamsiiyo mahajkii kaa qaldamay (Jihaadka,)Xuutiyiintu waa Zeydiyiin ma aha ithnaa cashariya iyo ismaaciiliya midna Marka gaalo miyaa zeydiyintu? mise waa muslimiin??? bal ka soo jawaab.

  10. (RABANAA LAA TUSALIDNAA BI DUNUUBINAA MAN LAA YAKHAAFUKA WALAA YARXAMUNAA)AAMIIN

  11. asc allah hajabiyo raafidada kusoo duushey markazka allah haw hiiliyo walaalaha jihaadaya meelkasta oo ay joogaanba xaqana hawaafajiyo
    laakiin walaalayaal maahan inay diintu noqoto lajiifiyaana bannaan oo maalinta ay adiga kuqabsato uun ladhoho waa jihaad ilaahay ummadda muslimiinta dhammaanteed xaqa hawaafajiyo

  12. Illahey ha u gargaaro walaalaha Damaaj, lakin waxa la yaabay so iyagi dhihi jaray ma aha dagaalki iraq o mareykanka lala dagaalayay waa Fitno Kan hada Xutiyiinta waa Jihad ee leeyihin, sidee wax u wadan walaalaha Allow u gargar Ahlu sunnah o dhan, amiin

  13. ilaahay ha u gargaaro walalaha waana arin wanaagsan in maanta markazkii sh muqbil raximahulah jihaad looga dhawaaqo

  14. Waxaan Allah (Caza wa Wajallah)ka baryaynaa inuu hoojiyo daalimiinta oo u gargaaro ahlul xaq wal iimaan.Walaalaha halkan wax ku soo qoraya ee wax ku khilaafsan walaalahooda muminiinta ah maaha maanta oo kale oo dhiigii ducaada oo jihaad ku jira lagu canaanto ama la aflagaadeeyo.
    xaqiiqada jirtana fitno maaha jihaadka somaliya ee gaalo soo qaaday kan hadda ee xuuthiyiinta isagana waa jihaad dafci ah, Allahna ha inoo sahlo.Ducadana ha ka ilaabina walaalaha in allah u miccino wa Jzk.

  15. col hortii ayaa la hub samaystaa…. qoriga in la qaato oo diinta ,nafta iyo maalka la difaacdo hore ayaa fitno loogu tilmaamay….maantana ragbaa jihaadka sheikhu ku dhawaaqay fitno u arka laga yaabo inay isla xertiisa yihiin….sacabada ha kala hortageen.

  16. Lacnadi hakorto Raafidada,cadaw alle weeye,waxaa ka amaan waayey culimadii iyo ardaydii wax iskabaranayey(arinku waa wixii dhiiglohow kaca),Laakiin inshaa allahu……..waxaabilawday halaagii shiicada Yaman,
    Muslimiinta ahlusune ha isugurmadaan,oo yaan

  17. s/w
    yaxye iyo xartiisii waa la hayaa
    inbadan haday dadka muslimiinta ee la dulmiyey ku
    dhaleecayn jireen waa fitno iyo wlm
    ilaahay hawga hiiliyo cadowgooda hana ogaadaa maahmaahdii somaliyeed
    ee ahay [bawdo rag maalinba midbaa qaawan ]
    aamin aamin aamin

  18. salaamu calaykum
    alle ha u gargaaro walaalaha damaaj iyo sh yaxye Al-Xajuuri alaha jabiyo kooxda raafidada Aaaaaaaaaaamiin

  19. Salaamu Calaykum
    ilaahow u gargaar walaalaha Damaaj iyo Sheekh Yaxye Xajuuri inshalaah wey guuleysan doonaan raafida ilaahow jabi iyo dhamaan cadawga Islaamka Aaaaaaaaaaaamiin

  20. asalaamu caleykom wr wbr insha allaaahu xuutiyiinta wey jebayaan caawa waxa dhanka damaad u baxey ciidan gaaraayo 1000 oo qabaailka ka mid ah si ay u gargaaraan walaalahooda reer damaaj in sha allaaahu waan ka guuleesaneyna xuutiyiinta

Leave a comment

*