Sidee looga ciiday Magaalada Minneapolis(Video)

November 7, 2011 - Written by

Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center oo Muslimiinta  usoo qaban qaabisay Convention Center-ka Muslimiin ta Masaajidka Abubakar ayaa sidii caaddada u ahayd inuu hogaamiyo Muslimiinta Minnesota iyo Waqooyiga Maraykan ba cidii sanadkan1432H  ku tujiyey faras magaalaha Maagaalada Minneapolis, goobta loo yaqaan. Minneapolis Convention Center.

 

sawirada qaar kamid ah ciida halkan  ka daalaco

Ciida Sanadkan ayaa dadka yimid  aad u badnaa dhowr arimood daraaddood. Muslimiinta reer Minnesota ayaa bartay goobta Musalaha lagu tukado Maadaama Xarunta AAIC ay usoo diyaarinaysay in ka badan toban sano sidoo kale goobta oo ah meel aad u wayn, lehna meelo fara badan oo baabuurta la dhigto iyo irrido badan oo laga soo galo, , arinta labaad ayaa ahayd in ay ciidu kusoo beegantay hawada  oo wanaagsanayd iyo maalin Axad ah. Waxaa kaloo sababaya in dadku sidaas u bataan muslimiinta oo jecel inay jamaacada badan ka qayb galaan farxada ciidana wadaagaan.

Ciidaan ayaa la isku raacay inay ahayd ciidii ugu dadka badnayd, waxaa soo xaadiray goobta ciida cadad aad u farabadan oo lagu qiyaasay in ka badan 20,000 oo qof. Musalaha aayaa aad u buux dhaafay ilaa lagu sigtay in ragii iyo Dumarkii aysan meel banaan u dhaxay.

Muslimiinta ayaa aad ugu duceeyey Culimmada iyo Maamulka Xarunta abuubakar, aadna uga mahad celiyey shaqadda ay u hayaan Muslimiinta. Salaadii ka dib ayaa Sh. C/laahi Ibraahim goobta Salaada ka jeediyey Khudbad aad u wanaagsan Muslimiintuna xasuusnaan doonaan insha allaah. Khudbada Sheikha ayaa ahayd mid meelo badan taabanaysa, waxay ahayd khudbad guud oo aan meelana dhaafin. hoos ka dhagayso khudbadii oo kooban.

Hoos ka dhagayso Khudbada Waxaan ka cudur daaranaynaa khudbadda inaysan dhamaystirayn

Halkaan ka Dhagayso Khudbadii Ciida

Maamulaha wuxuu u xusay arimihii ugu danbeeyey ee Masaajidku hirgaliyey,
sida;

– Parking-ka masaajid oo  dib loo dhisay

– Security Camera cusub oo Masaajidka oo dhan lagu xiray

– Abubakar Macad oo la hirgaliyey

sawirada qaar kamid ah ciida halkan  ka daalaco

Salaada Ciida ka dib ayaa waxaa Masaajidka ka bilowday Barnaamij ciida loogu tala galay in caruurta looga farxiyo, waxaa loo xiray Masaajidka Parkin-kiisa, waxaana loo dhigay qalab kala duwan.Salaadii iyo khudbadii ka dib ayaa Muslimiintii bilaabeen inay isu
tahniyadeeyaan farxadana wadaagaan. Ciidiina waxay kusoo gaba gabowday Si wanaagsan oo shil la’aan ah. Illaahay ayaan arintaas uga Mahad celinaynaa.

Ugu Danbayntii Xarunta Abuubakar Waxay u mahad celinaysaa walaalaha markasta xoogooda iyo waqtigooda ugu deeqa, sidii loo hir galin lahaa barnaamijta Masaajidka. Ciidaan waxaa ka shaqaynayey in ka badan 100 qof oo dhalin yaro u badan. Jizaakumu laahu khayran.

Waxaa soo diyaariyey

Hassan Jama (Hassan Dhooye)

Maamulaha Masaajidka Abubakar

Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
2824 13th Ave South

Minneapolis, MN 55407
612-871-8600 Ext:3
Cell: 612-636-5338
Fax:
612-436-0259
Email:aaic@abuubakar.org

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online