Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey oo qarax lagu weeraray
November 15, 2011 - Written byMuqdisho:-Qarax geystay khasaaro iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu ka dhacay agagaarka Saldhiga degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso waxaana lagu khaarajin rabay Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey Dhamme Maxamed Qaasin
Weerarka miinada ah ee lala beegsaday Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey Dhamme Maxamed Qaasin ayaa waxaa ku dhaawcmay qaar ka mid ah ilaalada taliyaha iyo dad rayid ah oo goobta marayey .
Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey G/sare Dhamme Maxamed Qaasin C/raxmaan oo la hadlay saxaafada goor dhaweyd ayaa sheegay in weerarka aysan waxba ku gaarin uuna bad qabo balse uu jiro dhaawac soo gaaray dad rayid ah .
Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey Dhamme Maxamed Qaasin ayaa waxaa uu ku eedeeyey weerarka miinada ee lagu khaarajin lahaa in ay ka danbeeyaan Ururka Al-Shabaab.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay weerarka lagu khaarajin lahaa Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey G/sare Dhamme Maxamed Qaasin .
A/Cawale
Halgan.net