Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey oo qarax lagu weeraray

November 15, 2011 - Written by

Muqdisho:-Qarax geystay khasaaro iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu ka dhacay  agagaarka Saldhiga degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso waxaana lagu khaarajin rabay Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey Dhamme Maxamed Qaasin

Weerarka miinada ah ee lala beegsaday Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey Dhamme Maxamed Qaasin ayaa waxaa ku dhaawcmay qaar ka mid ah ilaalada taliyaha iyo dad rayid ah oo goobta marayey .

Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey G/sare Dhamme Maxamed Qaasin C/raxmaan oo la hadlay saxaafada goor dhaweyd ayaa sheegay in weerarka aysan waxba ku gaarin uuna bad qabo  balse uu jiro dhaawac soo gaaray dad rayid ah .

Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey Dhamme Maxamed Qaasin ayaa waxaa uu ku eedeeyey weerarka miinada ee lagu khaarajin lahaa in ay ka danbeeyaan Ururka Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay weerarka lagu khaarajin lahaa Taliye ku xigeenka saldhiga degmada Dharkeenleey G/sare Dhamme Maxamed Qaasin .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online